Buuhoodle Lama Maago

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

siren
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7879
Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!

Buuhoodle Lama Maago

Post by siren »

Ba’da gabay bullada heesta iyo badiba suugaanta
Baqra iyo ancaam iyo watiin bariyo yaasiinka
Buxuurtooda wataan bartoo buuni ku ahaaye
Balaan beydadkii gabay akhriyo amase baandheeyo

Been hadaanan sheegayn runtana bohol ka turaynin
Bellelkeeda naartii hadaan bedenku doonaynin
Buuhoodle lama maago iyo baabulaha aare
Badrad iyo hadii loola tago waxan u beegtoomin
Labaduba halkay beegsadaan waa burburiyaane

Bawdada intay calaliyaan biixidiyo lawga
Beerkiyo intay kala baxaan baadilkiyo laabta
Jeeray baduugaan lafaha kama boqoolaane

Bannaan iyo intii uu cidliyo’ baylah ku ogaaday
Barraar iyo sidii adhi, habeen bahal harreeryey
Ama baadi weer iyo dhurwaa, bohol ku oodaystay

Baqihiinu waatuu dhirtiyo jiidhay buuraha’e
Bariiqooyin kiiniina waa bohola waaweyne
Baydadkii ragiinii lumaad baafisaan weliye

Iyagaan bahdood hiilisiyo gacal kusoo biirin
Baligii kalshaaliyo halkii beladu kaa raacday
Bawdada miyaad kaga jabtiyo boqonta taageeda

Beebeega iyo jiibka iyo Kaare bahardaada
Bii’emkii markii uu onkodey oo bulxamay zuugu
Badhdaloolka iyo Faalka iyo boobe iyo Aake

Baaruudu goortay dhacdoo beladu riigaantey
Binidkiyo markii laysla’dhacay baalcadiyo soodhka
Beynaada waatay indhaha’ kaaga bixiyeene

Burco iyo Hargeysiyo Berbera bilis wixii joogtey
Borroortoda iyo oohintiyo ba’ayda yeedhaysa
Budda waxay dhigeen boqol nin iyo baasha yaal qabaye
Bella looma yeedhoo aday bahal ku siisaaye
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: Buuhoodle Lama Maago

Post by EastAfrica »

Buuhoodle, the birthplace of Somali nationalism and somaliweyn

Buuhoodle, the birthplace of Sayid Mohamed Abdulla Hassan, Somalia's national hero and freedom fighter

Buuhoodle the heart of SSC and Somaliweyn masha allah
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Buuhoodle Lama Maago

Post by Babygirl- »

ululululullulululululululululululuuuu :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Buuhoodle Lama Maago

Post by ina aadan »

Buhoodle lama galo, waxaa jooga niman culus
Buhoodle lama galo, wax galaana kama boxo
Buhoodle lama galo, waa gayi darwiished
Buhoodle lama galo, waxa daga ilmaderaday.



GUUL IYO GOBONIMO S.S.C.
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Buuhoodle Lama Maago

Post by Babygirl- »

ina aadan wrote:Buhoodle lama galo, waxaa jooga niman culus
Buhoodle lama galo, wax galaana kama boxo
Buhoodle lama galo, waa gayi darwiished
Buhoodle lama galo, waxa daga ilmaderaday.



GUUL IYO GOBONIMO S.S.C.

ululuululuululululuulululuuu :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”