Buuhoodle Lama Maago
Posted: Sun Feb 20, 2011 3:32 am
Ba’da gabay bullada heesta iyo badiba suugaanta
Baqra iyo ancaam iyo watiin bariyo yaasiinka
Buxuurtooda wataan bartoo buuni ku ahaaye
Balaan beydadkii gabay akhriyo amase baandheeyo
Been hadaanan sheegayn runtana bohol ka turaynin
Bellelkeeda naartii hadaan bedenku doonaynin
Buuhoodle lama maago iyo baabulaha aare
Badrad iyo hadii loola tago waxan u beegtoomin
Labaduba halkay beegsadaan waa burburiyaane
Bawdada intay calaliyaan biixidiyo lawga
Beerkiyo intay kala baxaan baadilkiyo laabta
Jeeray baduugaan lafaha kama boqoolaane
Bannaan iyo intii uu cidliyo’ baylah ku ogaaday
Barraar iyo sidii adhi, habeen bahal harreeryey
Ama baadi weer iyo dhurwaa, bohol ku oodaystay
Baqihiinu waatuu dhirtiyo jiidhay buuraha’e
Bariiqooyin kiiniina waa bohola waaweyne
Baydadkii ragiinii lumaad baafisaan weliye
Iyagaan bahdood hiilisiyo gacal kusoo biirin
Baligii kalshaaliyo halkii beladu kaa raacday
Bawdada miyaad kaga jabtiyo boqonta taageeda
Beebeega iyo jiibka iyo Kaare bahardaada
Bii’emkii markii uu onkodey oo bulxamay zuugu
Badhdaloolka iyo Faalka iyo boobe iyo Aake
Baaruudu goortay dhacdoo beladu riigaantey
Binidkiyo markii laysla’dhacay baalcadiyo soodhka
Beynaada waatay indhaha’ kaaga bixiyeene
Burco iyo Hargeysiyo Berbera bilis wixii joogtey
Borroortoda iyo oohintiyo ba’ayda yeedhaysa
Budda waxay dhigeen boqol nin iyo baasha yaal qabaye
Bella looma yeedhoo aday bahal ku siisaaye