Dagaalo dib uga qarxay deegaano hoostaga degmada Buuhoodle
Buuhoodle: (Sh. M. Network) Dagaaladaani oo xalay si goos goos ah uga bilowday deegaano hoostaga degmada Buuhoodle ayaa saakay waxaa ay mar kale ka qarxeen deegaanada Kalshaale, Hagoogane iyo Meegaagle kuwaasi oo dhamaantood hoostaga degmada Buuhoodle, waxaana dagaaladaani ay u dhaxeeyaan ciidanka Somaliland oo weerar ku soo qaaday deegaanadaasi iyo ciidamada Jabhadda SSC oo dagaal kala hortagay ciidamada Somaliland.
Dagaalada oo si xoog leh u soconayay ayaa wararka ka imaanaya goobaha lagu dagaalamay waxaa ay sheegeen in qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen.
Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday dagaalada in ka badan 5 qof oo ay ku jiraan saraakiil labada dhinac ah tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen, waxaana wararku ay sheegayaan sidoo kale in labada dhinac ay kala qabsadeen maxaabiis.
Qaar ka mid ah Maxaabiistaasi ayaa waxaa la geeyay degmada Buuhoodle kuwaasi oo ay gacanta ku dhigeen Jabhadda SSC, waxaana dhinaca kale ay wararku tilmaamayaan in iyana ay gacanta ku dhigeen ciidanka Somaliland maxaabiis ay ka qabsadeen Jabhadda SSC.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Shabelle ay la xariirtay ayaa waxaa uu sheegay in dagaalada ay wali ka sii soconayaan deegaanada ay ka qarxeen, islamarkaana qasaaraha uu sii kordhi karo.
Xariiro kala duwan oo aan la sameynay saraakiisha labada dhinac ayaa waxaa ay guulo ka kala sheegteen dagaaladaasi, iyadoo midba midka kale uu sheegayo in uu guulo la taaban karo ka gaaray dagaaladaasi.
Dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanada hoostaga degmada Buuhoodle ayaa ku soo aadaya xili maalmihii la soo dhaafay ay deganeyd xaaladda deegaanka Kalshaale halkaasi oo dagaalo ay horay ugu dhexmareen ciidanka Somaliland iyo Jabhadda SSC.
Isaaq vs Dhul fighting for third round
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 260 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 29 Replies
- 949 Views
-
Last post by BaasAbuur
-
- 42 Replies
- 3575 Views
-
Last post by Timiro1999
-
- 16 Replies
- 2396 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 4 Replies
- 636 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 453 Views
-
Last post by noer
-
- 7 Replies
- 1116 Views
-
Last post by Ina-Geel_Wase
-
- 20 Replies
- 3994 Views
-
Last post by sahal80
-
- 0 Replies
- 470 Views
-
Last post by gobdoon