Second Day Of Protest In Galkayo As The Whole City Came Out Demanding Faroole To Take Action Against Somalidiid forces in SSC.
Gaalkacyo:Shacabka Gaalkacyo oo Maalinkii labaad dhigay Banaanbaxyo ka dhan ah Hogaanka Puntland & Siyaasadiisa….(Warbixin).
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa saaka markale Barxada weyn ee degmada Gaalkacyo ka hor bilowday banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Hogaanka sare ee Puntland & Siyaasadiisa,waxaana Banaanbaxani oo ahaa mid daba socday Kii shalay ka dhacay isla barxada magaalada Gaalkacyo ka qeybgalay Boqolaal dadweyne ah oo ka badnaa kii shalay,Siyaasiyiin,qaarkamid ah ardayda dugsiyada sare & kuwa dhexe ee gaalkacyo,Haweenka & qaarkamid ah Odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug.
Banaanbaxaan ayaa waxaa hadalo kaladuwan ka jeediyey qaarkamid ah Ardayda wax kabarata dugsiyada kaladuwan ee gobolka Mudug,kuwaas oo sheegey inay taabatay amni xumida kajirta magaalada Gaalkacyo oo sii siyaadaysa maalinkasta,waxaana ay sidoo kale sheegeen in dilal kaladuwan gudaha magaalada loogu geystay qaarkamid ah Waxgaradka & Mas’uuliyiinta Gaalkacyo kuwaas oo ay dawlada dhexe ke eedeeyeen wax ka qabahso la’aanta dilalka & Qaraxyada soo noqnoqday ee magaalada Gaalkacyo.
Faarax Cabdi Doorshe Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Puntland oo kamid ahaa Siyaasiyiintii maanta hadalka ka jeedisay banaanbaxii maanta,waxaana uu sheegey in ay ka xunyihiin micno darada lagu laynayo Aqoonyahanka & waxgaradka gobolka Mudug,waxaana uu intaas kudaray in dawlada dhexe ee Puntland ay ka gaabisay wax ka qabashada Amaanka guud ee gobolka Mudug.
Dr.Bashiir Cali Bixii Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland oo maanta markale ka qeybgalay banaanbaxa balaaran ee looga soo horjeedo siyaasada Puntland ee gudaha & dibada ayaa ka hadlay dagaalkii Kalshaale saaka ka qarxay isagoo Puntland ku dhaliilay inay ka gaabisay difaacista dadkeeda & xuduudaheeda codsadayna inaan shacabka reer Buuhoodle lagu fiirsan dagaalka ay kujiraan islamarkaasna laga wada qaybqaato difaacista dalka.
Qaarkamid ah Haweenka gobolka Mudug ayaa iyana banaanbixii maanta ka jeediyey Hadalo u badnaa Maansooyin ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan siyaasada hogaanka sare ee Puntland,waxaana ay sheegeen in madaxda Puntland sidii loo doortay aysan waqti badan imaan magaalada Gaalkacyo oo ah halka ay amnixumada uga badani kajirto islamarkaasna ay ku mashquulsanyihiin gubista & cunista dhaqaalaha kasoo baxa Puntland.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
Second Day Of Protest In Galkayo As The Whole City Came Out
Moderator: Moderators
- Somalian_Boqor
- SomaliNet Super
- Posts: 10847
- Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
- Location: Fuck Faroole & His Supporters
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 887 Views
-
Last post by surrender
-
- 7 Replies
- 601 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 54 Replies
- 3360 Views
-
Last post by Meseret
-
- 31 Replies
- 213 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 55 Replies
- 6862 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 6 Replies
- 948 Views
-
Last post by oxymoron
-
- 19 Replies
- 2220 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 3 Replies
- 2126 Views
-
Last post by STARKAST
-
- 39 Replies
- 3209 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 13 Replies
- 4260 Views
-
Last post by Methylamine