Somaliland government opens new terminal berbera aiport

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Somaliland government opens new terminal berbera aiport

Post by The_Emperior5 »

Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda oo Xadhiga ka jaray Dhisme lagu Kordhinayo Garoonka Diyaaradaha Berbera.


Qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay madaarka ayaa ah barxada hore ee terminaalada soo dagayaasha
Wasiirka wasaarada duulista hawda soomaaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa manta xadhiga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay madaarka ay diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Berbera oo baryahanba dhisme cusubi ka socday

Qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay madaarka ayaa ah barxada hore ee terminaalada soo dagayaasha iyo dhoofayaasha ooh ore u ahaan jirtay meel banana oo ciida ayaa imika laga dhigay marmar aad uqurux badan oo si heer sare ah looga shaqeeyay waxaana manta xafladii furitaanka ee qeybtaa cusubxadhiga lagaga jarayay ka soo qeyb galay madaxda heer Gobol iyo heer Degmo ee gobolka saaxil iyo waliba madaxda laamaha dawlada ee Gobolka saaxil iyo marti sharaf kale oo fara badan waxa aan iyana meesha ka maqneyn shirkada dhismahan fulisay eeAmal waxaana ugu horeyn furitaankii xaflada furay maamulaha madaarka Berbera Axmed Maxamed Cawaale oo isagu aad ugu nuuxnuuxsaday waxqabadka uu muujiyay wasiirka wasaarada uu ka tirsan yahay ee Duulista iyo hawada maxamuud Xaashi Cabdi oo uu ku tilmaamay nin udhabar adaygay sidii uu wax uqaban lahaa una horumarin lahaa madaarada soomaaliland waxaana hadaladiisii kamid ahaa”waxa ii sharafa aniga oo ah maamulihii madaarkan Berbera manta in aan wasiirkaygii kala qeyb qaadanayo furitaanka qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay bilicda madaarkan berbera oo aad wada garaneysaan sidii ay ahaan jirtay imikana quruxdeed dadka madaarka ka soo dagaa ubogayaan waxaana waxqabadkaa ku amaanan wasiirkayga sida weyn ugu hawl galay sidii uu umuujin lahaa waxqabad muuqda kana midha dhaliyay.

Waxa isna hadalo kooban halkaa ka yidhi Duqa Degmada Berbera Cabdalle Maxamed Carab(Sandheere)run ahaantii waxay noo tahay manta maalin qiime weyn le iyada oo aanu manta ka qeyb qaadanayno furitaanka qeybihii lagu horu marinaayay madaarkan caalamiga ah ee Berbera qeyb kamida oo dhameystiran oo uu furayo wasiirka duulista iyo hawda soomaaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi waxaanan umalaynayaa qofkii bishii hore ka soo dagay hadii uu noqodkiisa halkan soo maro aanu garneyn oo uu isweydiinayo ma madaarkii berberaa mise waa midkale oo imika la sameeyay aniga qudhayda waxa halkan iigu danbeysay madaarkan laba wig ka hor imika markaan soo galayayna waaban garanwaayay qofka debeda kayimina igaba sii daran ayaan umalaynayaa runtii waxaa aad arkaysaana waxa uhawl galay wasiirka duulista iyo hawada soomaaliland Maxamuud xashi waanan uga mahad celinayaa waxqabadkaa uu muujiyay mudada yare e uu xilka hayay waxa intaa dheer maalinta jimcaha ee uu nasashada leeyahay waxa uu wasiirku yimaadaa madaarkan Berbera arintaana dadka reer Berbera inyar baa og in uu wasiirku yimaado halkan taasina waxay muujinaysaa masuuliyada iyo isbedelka dhakhsaha ah ee dhacay markaa aad iyo aad baanu ugu mahad naqeynaa Degmo ahaan anguna waxaanu jecelay in aanu la shaqeyno oo hawlahaa qeybtayada la qabano inkastoon jecelaa manta iyada oo kamaradu igu dhacda iyada oo dawlada hoose sameyneysa boqolkaa meter ee wadada isku xidha terminalka iyo Run wayga oo aanu hore ubalan qaadnay balse waxa naga gaabisay cagaftiiye qoladan saxaafada waxan leeyahay dhexda ku sii sawira anaguna intaa aanu balan qaadnay waanu dhameystiri doonaa.

Waxa isna kuxigay oo halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)waxana hadaladiisii kamid ahaa”waxan halkan uga mahad celinayaa wasiirka wasaarada duulista iyo hawada soomaaliland oo runtii soo badhigay waxqabad muuqda oo aan la xaqiri Karin mudana in lagaga daydo Gobol ahaana waxa noo sharafa in aanu sii wadno waxqabadkii oo aanu ku eekaan boqolkii cisho oo qudha horumarintii Gobolka saaxilna wali soconayso waxbadan oo kalena la qaban doono hadii ilaahay yidhaa.

Waxaana gabagabadii xaflada halkaa hadal dheer dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay wasiirka wasaarad duulista iyo hawada soomaaliland Maxamuud xaashi Cabdi waxaana hadaldiisii kamid ahaa”farxad weyn bay nootahay in ay manta isugu nimaadno xafladan aanu ku furayno qeytii labaad ee gagidan caalamiga ah ee Berbera hadaynu ku horeyno qiimaha madaarkan madaarkani waa ka ugu qiimaha badan madaarada soomaaliland iyo kuwa geeska Afrikaba waana garoon ay ka haadi karaan diyaarad kasta oo caalamka laga isticmaalo runtiina waxay aheyd in hore waxbadan looga qabto waxay aheyd in aynu ka faa.iideysano oo ay noqoto meel gobolkan iyo geeskaba anfacda ganacsi ahaana soomaaliland waxbay ka tari laheyd sumacad ahaan iyo dhaqaala ahaana wax bay katari laheyd wakhtigii ay xukumadan aan katirsanay la wareegtay xukunka ana aan la wareegay wasaaradan ee halkan imaado waxay aheyd bishii ogust/5 teedii 2010 oo xiligaa xagaa haeyd malintuna jimce aheyd waxan xasuustaa madaarku waxa uu ka koobnaa qeybtaa yar oo kaliya waxaana isugu imanaayay qeybtaa yar dadka soo dagaya iyo kuwa dhoofayaaba waxaana soo dagaayay dad badan oo qurbaha ka imanaayay oo qaarkood caruur wataan waxaaanan aad uga naxay caruurtaa yar yare e ay dadkaasi wataan iyo dhibaatooyinka ay kala kulmayeen meesha oo aad uyareyd iyo systemka loo shaqeynayay oo liitay markaa waxa waajiba masuul walbana saran oo laga rabaa inta uu xilka hayo meesha uu ka shaqeynayo in uu si wanaagsan wax uga qabto aniga ragbaa iiga horeeyay shaqada wasaaradan qaar kalena way iiga danbeyn doonaan masuliyada qarankuna waa qori isu dhiib waxaana fiican in midba ka uu kadanbeeyaa uu halkii kasii amaba qaado aniguna safarkaygaa ugu horeeyay ayaan go.aan ku qaatay intii aanan garoonkaba kabixin in aan halkan systemkeeda wax ka bedelo ilaahayna waa igu guuleeyay inkasta oo aanay dawladu aanay dhaqaale u hayn oo aanu dhaxalay deyn fara badan waxan aanu imika qabanayna anigu kaligey raganimo aan leeyahay kumaan keenin ee waxa ila shaqeeyay oo aan umahad naqayaa shaqaalaha wasaaradayda iyo kuwa madaarkan Berbera iyo waliba shirkadan dhismaha fulisay ee Amal masuuliyiinteed oo iyaga qudhoodu aan meesha manfac muuqda ka heline qeybtoodii muwaadinimo muujiyay.
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Somaliland government opens new terminal berbera aiport

Post by Dhaga Bacayl »

The_Emperior5 wrote: Qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay madaarka ayaa ah barxada hore ee terminaalada soo dagayaasha iyo dhoofayaasha ooh ore u ahaan jirtay meel banana oo ciida ayaa imika laga dhigay marmar aad uqurux badan oo si heer sare ah looga shaqeeyay

I like it :up:
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Somaliland government opens new terminal berbera aiport

Post by Cumar-Labasuul »

any pics? :up:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland government opens new terminal berbera aiport

Post by The_Emperior5 »

Image

Image

Image

Image
Last edited by The_Emperior5 on Sun Feb 20, 2011 6:35 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Somaliland government opens new terminal berbera aiport

Post by Keyse_0208 »

Kulmiye Goverment Caadi maaha :up: :up: :up: Boqol wax baa laysku wadaa at the same time, We salute you Mr laangaadhe :sland:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland government opens new terminal berbera aiport

Post by The_Emperior5 »

[youtube]_TvS-ZjoC78&feature=player_embedded#at=749[/youtube]
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Somaliland government opens new terminal berbera aiport

Post by LiQaaye_TDH »

Keyse.... The Praise should go to the ministers not only Silaanyo... But great selection Madaxweyne 8-)

Ina Xaashi done great with the economy :up:
Ina Oomar done great with Recognition :up:
Maxamed Xaashi done great with the Airports :up:

Defence Minister :down:
Dr gaboose :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”