








Dekeda weyn ee Caalamiga Magaalada Muqdisho oo ka mid ah Ilaha dhaqaale ee ugu weyn dalka, ayna ku tiirsan yihiin shacabka Soomaaliyed, isla markaana ah isha koowaad ee dakhli uga soo xaroota Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Howlaha Dekeda ka socda xilligan waa mid ballaaran, waxaana dhaq dhaqaaqa Dekeda uu xilligan yahay mid si habsami leh u socda, kadib markii howlihii Dekeda dhowaan si rasmi ah u bilowdeen, markii la xaliyay murano ka taagnaa qaabka ganacsatada wax ugala soo degaan Dekeda.
Shabakada Jowhar.com ayaa booqatay Dekeda weyn ee Caalamiga Muqdisho, iyadoo u kuur galeysay xaaladaha shaqo ee ka jirta Dekeda oo guud ahaan ah, mid heerkooda sareeyo.
Intii aan booqanayay ayaa waxay indhaheyga qabanayeen adeegyo badan oo lagu soo kordhiyey kaas oo uu ku talaabsaday maamulka Dekeda, adeegyadaas waxaa ka mid ah Tower dhowaan laga hirgeliyay Dekeda, kaas oo lagala socda howlaha Maraakiibta ee dhinaca Raadeerka, sidoo kale waxaa ka mid ah Xafiisyada Dekeda oo dayactir ballaaran lagu sameeyay, qeybo cusub oo howsha Dekedana lagu soo kordhiyay.
Dekeda ayaa ah mid soo martay marxalado badan oo jahwareer leh kaas oo ay isu kala badaleen maamulo badan sidoo kale ayaa hore waxaa jiray wax is-daba marino badan oo lagu eedeyn jiray maamuladii horay u soo maray, inkastoo ay taasi beenin jireen, hase ahaatee Maamulka hada haya howsha Dekeda ayaa wax weyn ka badalay habsami u socodka Dekeda.
Sidoo kale Maamulka Dekeda tan iyo markii ay howsha la wareegeen ayaa durbadiiba qorshooyin wax ku ool la yimid iyagoo hormar weyn ka sameeyey waaxyada canshuuraha iyo kuwa isku xirka howlaha Dekeda balse dadaalkooda waxaa jiray dad mucaaraday, dadka mucaaraday waxaa ka mid ahaa rag waa weyn oo ganacsato ah kuwaas oo sida la sheegay gacan bidixeyn badan ku waday howlaha Dekeda.
Maareeyaha Dekeda Caalamiga ah ee Muqdisho Mudane Sayid Cal Macalin Cabdulle oo aan ku booqanay Xafiiskiisa ayaa inooga warbixiyay howsha Dekeda ka socota xilligan, isagoo sheegay in Dekeda ay tahay meel ay ka wada naas-nuugaan Dowladda KMG iyo shacabka Soomaaliyed, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay in badeecadaha ka soo dega Dekeda loo daabulo Gobolada Bartamaha iyo Koofurta Sooomaaliya.
Maareeyaha oo aan mar weydiinay cabashada ay qabaan qaar ka mid ah ganacsata oo ay kaga cabanayaan Howsha Dekeda ayaa yiri “Haddii aan nahay maamulka Dekeda waxaa nahay kuwa u adeegayo bulshada isla markaana ay ka go’an tahay in ay u dhega nuglaadaan danta shacabka danta shacabkana waa in si wanaagsan loogu adeego taa ayaana wadnaa”ayuu si kooban u yiri Maareeyaha Dekeda Muqdisho.
“Sida aragtaan Dekeda qolana gaar uma lahan, waa Dekedii Soomaaliyed, soomaali oo dhan baa ku tiirsan, Maraakiibta iyo doonyaha badeecadaha iyo alaabaha wada, waxay u soo degaan Ganacsatada Soomaaliyed oo meel walba oo dalka ka mid ah badeecadahooda geeya, marka ma ahan oo kaliya in Dekeda hal dhinac u shaqeyso”ayuu sii raaciyay yiri Sayid Cali Macalin Cabdulle.
Maareeyaha Dekeda Muqdisho Mr Sayidcali oo dhabtii horumar weyn iyo dib u sixid badan ku sameeyey maamulka Dekeda oo ay hore u halakeeyeen musuq maasuq baahay, ayaa waxyaabaha xusida badan ka mid ah in qarashka Dekeda ka soo xarooda uu yahay mid %100, sidoo kale dayactiro iyo muuqaalo cusub oo lagu soo kordhiyay Dekeda.
Sidoo kale mar aan wax ka weydiinay dakhliga Dekeda ayaa xusay in Dhaqaalaha dekeda uu yahay mid wax soo saarkiisa sareeyo, isagoo xusay in dal kasta waxa uu ku tashto ay tahay qidmooyinka ee canshuuraha ee uu shacabkooda bixiyaan waana mid dib ugu noqoto isla shacabkii bixyey iyadoo lagu daboolo adeegyada aasaasiga ah ee ay bulsho kasta ka filato dowladeeda taas ayaana ah mida aan dooneyno in aan qabano ayuu yiri Maareeyaha.
Dekeda waxaa iminka ku xiran Maraakiib iyo Doonyo shixnado bagaash wada, waxaana mid ka mid ah Maraakiibka ku xiran oo la yiraahdo Mustafa ayaa waxaa uu siday Baabuuro laga keenay dalka isu taga imaaraadka Carabta, kaas oo u socday ganacsato Soomaaliyed, sidoo kale waxaa ka soo degay Dekeda bagaashka kala duwan ee kala ah, Burka, Bariiska, Baastada, Sokorta iyo badeecadaha kale ee aas aasiga ah, waxaa kaloo ka mid ahaa qalabka baabuurta ee Spare Parts, alaabaha dhismaha, guryaha, sida shamiintada, iyo alwaaxyada.
Xoogsatada ka howl gasha Dekeda ayaa u shaqeysanayay si xor ah oo dhididkooda ay ku maalanayeen, iyadoo la arkayay alaabaha wiishashka looga soo qaado Markabka inay sii saaraan Baabuurta, waxaa taas ay tahay mid xoogsatada nolol maalmeedkooda ku dabirtaan.
Si kastaba ha ahaatee Dekeda Caalamiga ah ee Muqdisho ayaa heerka manta ay tahay tagan ah heerkii ugu sareeyay ee abid, kadib markii Dekeda noqotay mid ku tiirsan nolosha dadka soomaaliyed, isla markaana si hufan loogu adeego dadka, iyadoo eex iyo shaqsi jecleysi aanay midna ka jirin.
Thanks to wasiirka cirka, dhulka iyo badha

