TFG govt, pays wage to ex-singers for first time since 1991

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

TFG govt, pays wage to ex-singers for first time since 1991

Post by XimanJaale »

Visit the website for pics :up: :som:
http://radiomuqdisho.net/news/wararka/3 ... aberi.html

These hungry, ill ex singers of waaberi band, that used to get paid by the kacaan government have received wage from the current government for the first time since 1991. Masha'allah. May allah reward wasiirka warfafaafinta amiin :up:

Fanaaniinta Hobolada Qaranka ee Waaberi oo markii ugu horeeysay helay Mushaaraadkooda, kadib markii Wasaaradda Warfaafintu ay arintaasi dadaal dheer u gashay.

Kadib markii Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac uu dadaal dheer u galay sidii fanaaniinta Qaranka ee Waaberi ay u heli lahaayeen xuquuqdooda, ayaa markii ugu horeeysay muddo Labaatan sano ah kadib, Wasaaraddu waxa ay ku guuleeysatay bixinta Mushaaradka 87 Fanaan oo ka mid ah Hobolada Qaranka ee Waaberi.

Fanaaniinta ayaa arintani soo dhaweeyay waxeyna ku tilmaan mid taariikhi ah iyagoo u mahadceliyeen Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac oo ay ku tilmaameen in uu yahay Wasiirkii ugu horeeyay ee dadaal u galay in ay helaan Mushaaraad labaatann sano kadib.

Cabdi Tahliil, Xeegoow, Baasharax iyo fanaaniin badan oo isugu jira gabdho iyo wiilaal oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa muujiayay sida ay ugu faraxsanyihiin arintani oo ku soo aaday xilli xasaasi ah.

Arintani ayaa noqoneeysa markii ugu horeeysay ee Wasaarada Warfaafintu ay bixiso Mushaaradka 87 Fanaan oo ka mid ah Hobolada Qaranka ee Waaberi Muddo Labaatan sano ah kadib.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: TFG govt, pays wage to ex-singers for first time since 1

Post by XimanJaale »

Haters can hate :arrow:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”