Dhulbahante garaad calls for peace
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Dhulbahante garaad calls for peace
Garaadka Guud Ee Beelaha Dhulbahante Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Si Dhibyar U Soo Afjari Karaan Colaadda Kalshaale
Kalshaale “Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa waxaannu ka codsanaynaa inay naga joojiyaan Shaqsiyaadka Xilka haya, gaar ahaan Xaabsade iyo cidda la sooc

“Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa waxaannu ka codsanaynaa inay naga joojiyaan Shaqsiyaadka Xilka haya, gaar ahaan Xaabsade iyo cidda la soocta hannoo soo dirin…………” “Aniga iyo Suldaan Maxamed xal dhakhso ah ayaannu ka keeni karnaa….”
Garaad ma waxaad doonaysaan arrinta aad leedahay waannu dhammayn karnaa haddii naloo xilsaaro, nabadaynta oo shaqadiinnii ah ma mashruuc baad ku doonaysaan maxaa idinka hortaagan? Waraysi Khaasa: Garaad Qamaan Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac.
Garaad Qamaan Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, oo ah Garaadka Garaaddada Beelaha Dhulbahante, ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin sidii xal iyo is-afgarad loogu soo afjari lahaa colaadda ka aloosan deegaanka Kalshaale, haddii ay Xukuumaddu faraha uga qaaddo una igmato arrinta deegaankaas.
Garaadka oo Xalay isaga oo jooga magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, Khadka Taleefanka ugu warramay Ku-xigeenka Tifaftiraha Wargeyska HargeisaStar Cabdifataax Mursal waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir, oo Waraysi uu HargeisaStar siiyey si adag ugaga hadlay arrinta deegaanka Kalshaale dhinac kasta oo laga eegaba. Sidaa awgeed, Garaad Qamaan waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay hadalka Suldaanka, isla markaana uu si kal iyo laab ah u soo dhawaynayo.
“Marka ugu horreysa waxaan hambalyo u dirayaan Suldaanka guud ee Beelaha Isaaq Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo si cad oo Muslimnimo ah, walaaltinnimo ah, tolliimo ah, waddaniyad ah uga hadlay arrinta deegaanka Kalshaale. Mar labaadka aad iyo aad baannu u soo dhawaynaynaa hadalka Suldaanka, waanannu qaadannay soo jeedintiisa ah in gogol nabadeed la isugu yimaaddo, isla markaana Garaaddada, Salaaddiinta iyo Wax-garadka loo daayo inay arrintaa xal-raadinteeda galaan.” Sidaa ayuu yidhi Garaad Qamaan. Waxaanu Garaadka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Laakiin waxaannu Xukuumadda iyo Madaxweynaha ka codsanaynaa inay naga joojiyaan Shaqsiyaadka Xukuumadda Xilka ka haya ee ay noo soo dirayso ee ay dadku ka didayaan ee ay maalmahanba hadal hayeen ee ay ka sii qaylinayeen, yaan naloo soo dirin, ee Suldaan Maxamed Suldaan Cqaadir ayaa ku filan in arrintaa loo soo diro, annaguna diyaar baannu u nahay inaannu xalka la raadinno oo aannu la hawlgallo, waxaanan hubaa inaannu xalka gacanta ku hayno oo wakhti kooban ku keeni karno Aniga oo Garaadkii Garaaddada Dhulbahante ah iyo Suldaan Maxamed oo Suldaankii Salaaddiinta Isaaq ah.”
S: Garaad, Shaqsiyaadka dadka reer Sool ka qaylinayaan ee Xukuumaddu u dirtay waa kuwee?
J: Waxa weeyaan Ninka la yidhaahdo Axmed Cabdi Xaabsade iyo Wefti uu horgacayo oo maalmahanba Laascaanood iyo deegaannadeeda laga hadal hayey inay Xukuumaddu u soo dirayso.
S: Xaabsade waa nin weyn oo Siyaasiya oo Gobolka u dhashay, Xukuumaddana Somaliland-na xil Wasiirnimo ka haya, markaa haddii la soo diro oo la yidhaahdo deegaankaagii ka odayee, waa maxay waxa ay dadku ku diiddan yihiin ee aad u leedahay ha nalaga joojiyo?
J: Waxa weeye, dadku kuma kalsoona ee way ka soo horjeedaan, markaad wax diidaysana wax aad ku diidayso ayuun-baa jira, markaa kollay waxa kuu muuqanaysa inaan lagu kalsoonayn oo aanay dadka Gobolka Sool raalli ka ahayn in ninkaa loo soo diro. Markaa, kollay dee waxaa ay ku diideen ayuumbuu qabaa, sidaa daraaddeed, waxaan soo jeedinayaa inaanay Xukuumaddu noo soo dirin.
S: Garaad, waxaad sheedgtay inaad soo dhawaynayso hadalka Suldaan Maxamed. Suldaan Maxamed waxa uu sheegay inay jirto Jabhad Boosaaso iyo Garoowe laga soo hubeeyo oo Beelaha Buuhoodle soo dhex mara oo ku soo duula Ciidanka Qaranka Somaliland, miyaanay habboonayn inaad Jabhadaha idin dhex-maraya iska joojisaan?
J: Maya, ee way habboon tahay, laakiin ma jiraan Jabhado na soo dhexmara oo Ciidanka Qaranka ku soo duulay, ee waa in wax tirsanaysa, intaana si sahlan ayaa wax looga qaban karaa, haddii aannu iskaashanno Aniga, Suldaan Maxamed iyo inta nala midka ah ee loo soo joogsanayo, waayo? Dadku waa dadkeennii ee dad meel kale ka yimi maaha, dadkeennana haddii hadal loola tago way soo istaagayaan oo waa la isqancinayaa.
S: Laakiin, haddii aad arrintaa samayn kartaan oo si dhib-yar khilaafka iyo colaadda u soo afjari kartaan, maxaa idinka hortaagan inaad ku dhaqaaqdaan ee hagranaysaan?
J: Ma hagranayno, ee markii arrinta Xisbiyo, Salaaddiin iyo Cuqaal loo soo diray, Xukuumaddiina ku jirto ee ay iyadu abaabulka ku jirto, annagana aan waxba naloo soo sheegin, waxay noola muuqatay inaannaan faragelin ku samaynin ee aannu iyaga u deyno inta ay xal ka gaadhayaan ama ay ka quusanayaan u daaya ayaannu is-nidhi.
S: Garaad, meel dhiig qulqulayo oo dadkiinni ku dhimanayaan idinka oo sida aad sheegtay xalka wax lagu dhammayn karo si dhibyar u heli kara, inaad sii daawataan oo cid kale u deysaan, markaa miyeydaan dhibaato idiin muuqata daminteeda hagranaynin?
J: Ujeeddadayadu may ahayn wax hagrada ee faragelin ha samaynina ayaannu garannay, laakiin kamaannaan madhnayn oo intaa dedaalkayaga kamaannaan hagran, laakiin door buuxa kumaannaan lahayn, waayo? Haddaan annaga naloo yeedhin inaannu daf soo nidhaano arrinta nalamay qurux-badnayn. Laakiin, imaka waxaannu diyaar u nahay in naloo diro oo aannu arrintaa soo afjarno.
S: Garaad, maaddaama oo idinka oo dhammayn kara arrinta ay daan gelin, dirista aad leedahay imakaannu diyaar u nahay maxay kaga duwanaanaysaa Salaaddiintii, Culimadii, Cuqaashii iyo Ergooyinkii Somaliland oo dhan ka socday ee go’aankoodii beesha Buuhoodle ku gacan-saydhay, sidoo kalena ay diideen go’aankii Madaxweynuhu soo saaray?
J: Adeer horta arrintu waa arrin dhaqan ee arrin siyaasadeed maaha, Annagu dadkii iyo dalkiiba waannu garanaynaa, waayo annagu dadkii ayaannu dhex fadhinaa, Madaxdii ay arrimaha noocan ah u igmadeen baannu nahay. Markaa, haddii naloo daayo oo naloo xil-saaro Illaahay nagu kashifi maayo ee xal degdega ayaannu ka keeni karnaa, haddii ay suurageliwaydo inaannu wakhti kooban xal ku keenno intay doonto hannagu qaadato’e hadday sannad gaadhayso waannu u huraynaa wakhtigaya. Waayo? cid walba nabadgalyada iyo wada noolaanshaha ayey dani ugu jirtaa ee dagaal dani uguma jirto ninna, dagaalna Wiil-baa ku dhinta ee Wiil kuma dhasho.
S: Waxaad sheegtay in haddii la idiin xil-saaro arrinta Colaadda dhalisay aad soo afjari kartaan wakhtiga ay doonto ha idinku qaadato’e, wax idinka dadanina ma jiro, waxaanad sheegtay inaad tahay Garaadkii guud ee Garaaddada Dhulbahante, marka ay sidaa wax yihiin welina aanad si muuqata ugu dhaqaaqin waxaad doonaysaa in arrinta Xukuumaddu idiin dirto oo aad Mashruuc ku qaadataan soo maaha?
J: Horta waa la odhan karaa, laakiin sidaa aad u leedahay arrintu maaha, annaguna nabadaynta dadkayaga mashruuc ku dooni mayno, ee walaaltinnimo iyo waayeelnimo ayaannu ku galaynaa, ta aan leeyahay hannaloo xilsaarana waxaan uga jeedaa in Kalsooni buuxda naloo siiyo xal u helidda arrintaas oo faragelinta nalaga daayo.
S: Markaa, Garaad waxaad leedahay arrinta Xukuumaddu faraha hakala baxdo, Xukuumadduna dalka iyo dadka masuul bay ka tahay, ammaankana xil baa ka saaran, sidey faraha ugala baxi kartaa?
J: Waa run oo Xukuumaddaa dalka iyo dadkaba ka masuul ah, laakiin arrinkani waa arrin dhaqan ee arrin siyaasadeed maaha, heshiisiinta beeluhuna waa shaqadayadii oo annaga ayaa garanayna. Xukuumaddu saddex qodob oo waaweyn ayaa ka mid ahaa ballan-qaadyadeedii oo ahaa inay horumar samaynayso, inay nabadgalyada adkaynayso iyo in gogol nabadeed la isugu yimaaddo, saddexdii qodob kii u weynaa ayaa maanta taagan oo ah arrinta nabadgalyada. Markaa, inay doorkeeda qaadato cid u diiddani ma jirto, laakiin halka ay siyaasiyiinta aan dadku ku qanacsanayn soo dirayso dee meeli noogama bannaana, annaguna in cid wax lagu ogaado ayaannu doonaynaa ee in la is dhex yaaco dooni mayno.
S: Garaad, haddii ay arrintani tahay shaqadiinnii, maantana aad codsanaysaan inaad gashaan, miyaan si cad loo odhan karin idinka ayaa hawshiinnii gabay, eedeynta aad Xukuumadda u jeedinaysaana waa tii la idiin jeedin lahaa?
J: Waa la odhan karaa, laakiin annagu mar kasta waxaannu xeerinaynaa kala dambaynta iyo in kolba cidda xaajada ku horreysa loo daayo oo aan faragelin lagu samaynin, markaa dhinac kastaba wax haka qaldamaane imaka wax halla saxo.
S: Gebagabada Waraysiga, haddii aynu u galno maxaad dhinacyada arrinta Kalshaale khusayso u soo jeedinaysaa Garaad ahaan?
J:Waxaan soo jeedinayaa oo aan ku baaqayaa in gogol nabadeed la isugu yimaaddo, Aniga iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir waannu wadahadalnay, waxaanannu diyaar u nahay in nabadda la soo celiyo, beelaha is haya la wada hadashiiyo, Ciidammadu dhexdhexaad noqdaan. Imaka Odayaal badan ayaa ila fadhiya, dhammaan waxay heegan u yihiin sidii xaaladda colaadeed nabad iyo wada noolaansho loogu beddeli lahaa. Taas ayaan soo jeedinayaa inay Xukuumadduna nagu taageerto oo aanay noo soo dirin cid nagu faragelisa
Source http://www.togaherer.com/2011/02/20/gar ... yaan-shaq/

Re: Dhulbahante garaad calls for peace
WTF!! Garaad Qamaan??. maa Somaliland ba Garaad ka dhigataay? LOOOL Desprate move!!
His Majesty Garaad Jamaac Garaad Ali Garaad Jamaac is the Dhulbahante Garaad and there is no Garaad called Qamaan.
His Majesty Garaad Jamaac Garaad Ali Garaad Jamaac is the Dhulbahante Garaad and there is no Garaad called Qamaan.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Dhulbahante garaad calls for peace
Babygirl- wrote:WTF!! Garaad Qamaan. maa Somaliland ba Garaad ka dhigataay?
Garaad qaman garaad cabdiqani garaad jamac garaad cali

Re: Dhulbahante garaad calls for peace

Kaa naax oo Naafta waa!!
-
- SomaliNet Super
- Posts: 7879
- Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
- Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!
Re: Dhulbahante garaad calls for peace
Babygirl- wrote:WTF!! Garaad Qamaan??. maa Somaliland ba Garaad ka dhigataay? LOOOL Desprate move!!
His Majesty Garaad Jamaac Garaad Ali Garaad Jamaac is the Dhulbahante Garaad and there is no Garaad called Qamaan.

Habayar I was wondering the same, Qamaan WHO?

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Dhulbahante garaad calls for peace
Siren Garaad qamaan is the son of the great garaad cabdiqani garaad jamac aun

- NewHargeisaGirl
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4876
- Joined: Sat May 30, 2009 11:49 am
Re: Dhulbahante garaad calls for peace
Babygirl- wrote:
Kaa naax oo Naafta waa!!
Machallah he is a cutie pie

-
- SomaliNet Super
- Posts: 7879
- Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
- Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!
Re: Dhulbahante garaad calls for peace
The_Emperior5 wrote:Siren Garaad qamaan is the son of the great garaad cabdiqani garaad jamac aun![]()

Baharsame made their choice saxiib, they don't want him.

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Dhulbahante garaad calls for peace
he is not the bahararsame garaad he is the dhulbahante garaadsiren wrote:The_Emperior5 wrote:Siren Garaad qamaan is the son of the great garaad cabdiqani garaad jamac aun![]()
![]()
Baharsame made their choice saxiib, they don't want him.

jamac cali jamac is the bahararsame garaad

Re: Dhulbahante garaad calls for peace
Haabo they probably called Qamaan Garaad and later wrote ayago marqaansan Garaad ka Dhulos.
NHG we have more were that came from.
Garaad Jamac Garaad Ismacil, Garaad Suleeyman Garaad mahamed, Garaad Abdulahi Garaad Soofe. u have the choice 

NHG we have more were that came from.

-
- SomaliNet Super
- Posts: 7879
- Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
- Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!
Re: Dhulbahante garaad calls for peace
The_Emperior5 wrote:he is not the bahararsame garaad he is the dhulbahante garaadsiren wrote:The_Emperior5 wrote:Siren Garaad qamaan is the son of the great garaad cabdiqani garaad jamac aun![]()
![]()
Baharsame made their choice saxiib, they don't want him.![]()
![]()
jamac cali jamac is the bahararsame garaad
He is SLand Garad, ya'll can have him plus the other Jamac siyaad one...Good luck ya'll see ya in the battle field tomorrow...

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Dhulbahante garaad calls for peace
babygirl ii yara sug adigu in one hour warsaxafadeed bu qabanaya ,isago la wareysanaya tviga qaranka laga wareysanaya aniga ku so galinaya garaadka guud eeh dhulos oo nabad ku baqaaya 

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Dhulbahante garaad calls for peace
Come on he does not become a sland garaad if he calls for peace does heHe is SLand Garad, ya'll can have him plus the other Jamac siyaad one...Good luck ya'll see ya in the battle field tomorrow...

You mean garaad cabdirashid garaad ismacil he is also a good garaad who calls for peace.
Not to forget siren your uncle garaad selebaan afqarshe , this summer we are going to crown his Son in sanaag your welcome

-
- SomaliNet Super
- Posts: 7879
- Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
- Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!
Re: Dhulbahante garaad calls for peace
The_Emperior5 wrote:Come on he does not become a sland garaad if he calls for peace does heHe is SLand Garad, ya'll can have him plus the other Jamac siyaad one...Good luck ya'll see ya in the battle field tomorrow...![]()
You mean garaad cabdirashid garaad ismacil he is also a good garaad who calls for peace.
Not to forget siren your uncle garaad selebaan afqarshe , this summer we are going to crown his Son in sanaag your welcome![]()

Ugadhyahaan only have one Garad Saxiib, guess again...

Re: Dhulbahante garaad calls for peace
siren wrote: Good luck ya'll see ya in the battle field tomorrow...

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 29 Replies
- 15269 Views
-
Last post by weydamal
-
- 2 Replies
- 652 Views
-
Last post by Barkhadd
-
- 4 Replies
- 1296 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 8 Replies
- 1418 Views
-
Last post by Sauron
-
- 7 Replies
- 1134 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 16 Replies
- 1929 Views
-
Last post by zingii
-
- 28 Replies
- 1719 Views
-
Last post by Bicir100
-
- 27 Replies
- 137 Views
-
Last post by Serena
-
- 23 Replies
- 1637 Views
-
Last post by Nubis
-
- 7 Replies
- 1583 Views
-
Last post by smartyt