
Banaan Baxyo ka dhan ah Maamulka Somaliland oo maanta ka dhacay Baran
Magaalada Baran ee xaruna gobolka Sanaag maanta waxaa ka dhacay banaan baxyo ay halkasi ka dhigeen dadweynaha dega baran sida Rag, Haween, Caruur iyo dad dhalinyarada ardayda ahba.
Sida uu ku soowaramayo Wariyaha SBC International ee baran Cawil Nadiif waxaa lagu diidanaa oo lagu cambaareynayay isku soo baxaasi dagaalada ka socda gobolka Ceyn iyo dhaliilo ka dhan ah Maamulka Soomaaliland oo ay dadka soo jeedinayeen .
Dadka banaan baxayay ayaa waxay siteen boorar ay ku qoran yihiin ereyo kala duwan oo lagu cambaareynayo maamulka Soomaaliland iyagoona socod dheer oo ay ku soo mareen Wadooyinka waaweyn ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Maamulka Soomaaliland Gaar ahaan madaxweynaha Maamulkaas Mr Siilaanyo.
Qaar ka mid ah waxgaradka ayaa dadka Banaan baxayay kula hadlay goob fagaare ah waxaanay sheegeen in maamulka Soomaaliland gaar ahaan Madaxweynaha Maamulkaasi uu colaad ka hurinayo gobolka Ceyn islamarkaana ay dusha u saariyeen masuuliyada dagaalka iyo wixii ka yimaadaba .
Waxaa sidoo kale halkaasi ay shacabka ku gubeen calanka maamulka la baxay Soomaaliland, iyagoona hadalo caro leh dusha uga tuurayay madaxweynaha maamulka Soomaaliland
Si kastaba ha ahaatee waxaa uu ku soo aadayaa banaan baxan ka dhacay gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Baran xili uu madaxweynaha dowlada Puntland sheegay in maamulkiisu hada ka dib ay u dulqaadan waayeen gar darada Maamulka Soomaaliland ayna qaadi doonto dowlada talaabo ay ku difaaceyso dalkeeda.
Cawil Nadiif Suldaan