Kick Off-Countdown -
Posted: Tue Feb 22, 2011 7:27 am
Maleeshiyooyin Ka Soo Kala Jeeda Maamulka Majeerteeniya, Gaalkacayo, Caabud-Waaq Oo Weerar Dagaal Ka Soo Wada Jiida Tukaraq Iyo Ciidamada Qaranka S/Land Oo Diyaar Garow Culus U Galay Huwanta Cadowga
Awr-Boogays, Xudun Iyo Gambadha Oo Ka Mid Ah Aagaga Maleeshiyada Majeerteeniya Laga Filayo Inay Ciidamada Qaranka Ka Soo Weeraraan
Hargeysa February 23, 2011 (Haatuf) - Ciidamada maamul goboleedka Majeerteeniya ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay dhaqdhaaqyo abaabul dagaal oo ku wajahan ciidamada qaranka Somaliland ee jiida hore ee Sool ka waday tuulada Tukaraq ee xadka iyo meesha la yidhaahdo Higlada, halkaas oo la sheegay in xalay ilaa shalay galab ay ciidamo isugu jira kuwa Majeerteeniya iyo kuwo laga keenay magaalada Gaalkacayo iyo Caabud-waaq oo uu wato taliyaha Ciidamada Majeerteeniya Siciid Dheere ay kusoo qulqulayeen.
Ciidamdan maamul goboleedka Majeerteeniya oo la sheegay, inay wataan maleeshiyo beeleedyo laga soo ururiyey magaalooyinka Gaalkacayo iyo Caabud-waaq, islamarkaana kaashanaya maleeshiyo beeleed kasoo jeeda beesha Sool ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Madaxweyne ku xigeenka Majeerteeniya Cabdi Samad Cali Shire, ayaa la sheegay inay ku soo wajahan yihiin weerar dagaal oo ay ku soo qaadayaan ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiida Gambadha iyo aagaga kale ee jiidaha gobolka Sool, kuwaas oo la sheegay, in ciidamada qarankuna ay diyaar garow culus u galeen sidii ay Sutida ugu qaban lahaayeen huwantaasi isku soo bahaystay iyo weerar kasta oo kaga yimaada maamulka Majeerteniya.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda hore ee Gambadha oo aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey, inay la socdaan dhaqdhaqaaqa maamulka Majeerteeniya ka wado Tukaraq iyo Higlada oo kamid ah deegaanada koonfurta bariga Sool ee xuduudka ku teedsan, isaga oo intaa ku daray, in diyaar garow balaadhan ay u galeen ciiidamada qaranku difaaca dalka, isaga oo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waanu ka warqabnaa maleeshiyadka shalay galab ilaa xalay ay kusoo daad-guraynayeen maamulka Majeerteeniya deegaankaasi, waananu u diyaar garownay oo difaacayagu wuu xidhan yahay, haddii ay soo dhaqaaqaana ciidanka qaranku waxa uu nidar ku galay inay raamsan doonaan, wakhtigan aan idinla hadlayana heegan culus ayuu ku jiraa ciidanku” .
Ninka hogaaminaya maleeshiyada Majeerteeniya oo lagu magacaabo Siciid dheere oo isagu ah, taliyaha ciidamada maamul goboleedka Garoowe oo ay isku Jifo Yihiin C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay, inuu todobaadkan gudihiisii magaalooyinka Gaalkacayo iyo Caabud-waaq ka soo ururiyay maleeshiyooyin kasoo jeeda deegaanadaasi, islamarkaana uu keenay maalintii daraad Tukaraq, halkaas oo ay hore usii joogeen maleeshiyo beeleed kasoo jeeda beesha madaxweyne ku xigeenka Majeerteeniya C/samad Cali Shire, oo isagana la sheegay in gurigiisa Garoowe todobaadkan gudihiisa lagu soo abaabulay weerarka ay ku soo qorsheeyeen gobolka Sool, islamarkaana ay ku doonayaan, in furin labaad ay kasoo furan jiidda koonfurta Sool, si looga mashquuliyo ciidamada qaranka Somaliland ee dagaalka kula jira Nabad-diidka Buuhoodle, kooxaha Argagixisada iyo ONLF ee dagaalka ka wada deegaankaasi, hase yeeshee ilo xogogaal ah oo aanu ka helay xalay saqdii dhexe magaalada Laascaanood ayaa noo sheegay, in gurmad balaadhan oo ciidamada qaranka Somaliland ka tirsan oo ku gaashaaman gawaadhida dagaalku ay isku baladhiyeen jiidaha kala duwan ee ku teedsan gobolka Sool sida boholaha Xargaga iyo Xudun oo ka mid ah deegaanada koonfurta galbeed ee gobolka Sool.