Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubanaaya
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubanaaya
Wararkii ugu danbeeyay ee mudaharaadkii maanta iyo aqalo hor leh oo caawa gubnaaya
Written by Qaran news
Feb 22, 2011 at 11:20 AM
Hargeysa, (Qaran news)- Waxa maanta subaxdii baiga magaalada Hargaysa ka dhacay mudaharaad aad u ballaadhani kaas oo lagaga cabanaayo guryaha sida qorshaysan habeen iyo maalin walba loogu gubaayo xaafadahaas tan iyo labadii todobaad ee ugu danbeeyayba iyo wax ka qabasho la'aanta xukuumada Siilaanyo, taasi oo marar badan looga soo cawday ciidanka booliska oo aan dadweynaha guryahooda la gubaayo aan dhag iyo jalaq toona u siinin, cabashooyinka dadka la gubaayo guryahooda, taasi wasiirka arimaha gudahuna uu dhagaha ka furaystay cabashooyin dhowr ah oo loola tagay kuna saabsanaa arimahani, taasi oo shaki weyn abuurtay, keentayna in ay dadku mudaharaadaan.
Mudaharaadkani maanta dhacay ayaa ka dhashay dhago adayga xukumadda iyo wax ka qabad laanta arimahaasi , mudaharaadkani ayaa maanta ay u dhamaayeen dadweynaha xaafadu, waxana ay taayiro ay gubeen iyo dhagaxaan waaweyn ku kala jareen jidka dheer ee mara magaalada badhtankeeda iyaga oo socodkooda ka soo bilaabay ag agaarka baar waraabe, isla markaana u soo dhaqaaqay xaga suuqa taasi oo ay bartilmaamsanayeen saladhiga news Hargysa.
Dadweynahani mudaharaadaayay oo aad u tiro badnaa isla markaana aad u cadhaysnaa ayaa la fuqay ciidamadii booliska iyada oo ku talagalgoodu ahaa in ay jawaab ka bixiyaan aad u adag dababka la qabadsiiyay 23 aqal oo ku yaala xaafadaha kala gadisan ee bariga magaalada Hargysa.
Dadweynahan gadooday ee mudaharaadaayay ayaa ay maanta kala kaxeeyeen hogaamiye dhaqameedyada iyo taliyaha ciidanka booliska oo balan qaaday in uu arintaasi si deg deg ah wax uga qabanaayo. hase ahaatee waxa maanta madaxtooyada badhtankeeda isku qabsaday markii la kala dareeriyay dadweynahii mudaharaadaayay madax dhaqameedyada bariga Hargysa iyo wasiirka arimaha gudaha Dr Gaboose, taasi oo ka danbaysay markii ay ka codsadeen in taliyaha saldhiga new Hargaysa laga dhigo nin ka soo jeeda xaafada new Hargysa si uu hawlgalo balaadhan uga galo arimahani, taasi oo uu wasiirku madax ka lulay una sheegay in ayna suurto gal ahayn, arintaasi oo uu goob joog ka ahaa chief of cabinet-ka madaxtooyada mudane Xirsi.
Arintani ayaa badiba waxa ka aamusay warbaahinta xukumada iyada oo xitaa la diiday in TV.Qaranka laga sheego wararka ku saabsan aqalada la gubaayo oo mudo 2 todobaad gudahooda lagu gubay 22 aqal,
Aqaladani la gubayaa ma ah dad si gaar ah loo bar tilmaameedsanaayo ee waxa xitaa ku jira kuwo danyar ah oo aan aqaladoodu lahayn laydh iyo biyo toona, isla markii uu maanta mudaharaadku dhamaaday ayaa waxa halkii laga sii waday gubistii aqalada, waxana abaaro shantii galabnimo la bilaabay in la gubo aqaladii iyada oo la gubay aqal ku yaala sakada ka soo hor jeeda Ciise Boodhle aqalkiisa oo ku yaala aaga Gaal Ismood, sidoo kale waxa isna isla galabta dab la qabadsiiyay aqal ku yaala badhtamaha xaafada new Hargaysa oo ku dhow masaajidka Ramadaan.
Waxana hada socda shirar iyo kulamo xaasaasi ah oo ay ilaa galabta isugu imanayeen waxgaradka iyo madaxdhaqameedyada, siyaasiyiinta,ganacsatada, dhalinyarada degan xaafadaha bariga Hargaysa kulmadaasi oo socon doona ilaa maalinta bari ah, ayaa waxa dhanka kalena laga cabsi qabaa in mudharaado kale ay dhacaan maalmaha soo socda, kuwaasi oo aan la garan doonin khasaaraha ay gaysan doonaan, xaafadaha bariga Hargysa ayaa waxa ku yaala tiroba 7 saldhig oo kala waaweyn midkoodna ma maamulo qof xaafadaha bariga ka soo jeedaa, sidoo kale ciidamada sirdoonka iyo cid-ayaan si fiican xiliyadan looga hawl galin xaafadaha bariga si ay hawshani dabagal ugu sameeyaan.
Xaafadahani hada dabka la qabadsiinaayo ayaan badankoodu helin biyo iyo adeegyada xukumada badankooda, xaafadaha bariguna ma laha secondry school, sidoo kalena ma soo gaadho laydhka daawladu, taasi ay aamaantana taas la noo raaciyay, sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah dadka degan xaafada new Hargysa oo maanta noo waramay, waxana uu sheegay in ay xukumaddu arimahan deg deg wax uga qabato, dadkana aqaladoodii loo dhiso waxii laga gubay, ama waa in ay xukumadu cadaysaa in ayna qaybtaasi magaalada ka tirsan ayna iyadu maamulin oo ay dadku is ilaaliyaan.
Isku soo wada duuboo tirada aqalada la gubay ayaa ilaa hada lagu qiyaasayaa ama ay yihiinba 24 aqal oo kala gadisan, guryaha ayaa la bar tilmaameedsadaa subaxdii marka dumarku suuqyada, u dhaadhacaan, caruurtuna iskuulada/mulcaamadaha sidoo kale raguna shaqo tagaan ama suuqyada u baxaan, iyo sidoo kale fiidka xiliyada yaalaa salaada makhrib la tukanaayo ama xooga yar ka hor, waxan wax gubaaya ayaa ah wax la soo tuuraayo oo fudud lana eegto faamalaydhada ama dhakada sare ee aqalada iyo sidoo kale daaqadaha furan, farsamadan wax lagu gubaayo ayaa ah hab ku cusub dalka oo aad u cilmiyaysan hadii aan deg deg looga hawl galina waxa ay ku faafi kartaa magaalada oo dhan ama dalka oo idil
Maqal iyo Sawiro ugu hagaag
http://www.togaherer.com/2011/02/22/dad ... -hargeysa/
Last

Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
Dad badan baa ka xun horumarka Beesha Bariga Hargeysa ku talaabsatay, "Bariga hargeysa waxa lagu sheega wakhtigaan xaadirka ah xaafada ugu horumarka badan Hargeysa dhamanteed..
Cadowga new Hargeysa gacaan biraa lagu qabaan doonaa wanaa lagaa shaqayndoona,
Guryaha la gubey sidaa ilaa xogogaal ahii iisheegayaan waxay kor uu dhaafayaan 40 guri.
Cadowga new Hargeysa gacaan biraa lagu qabaan doonaa wanaa lagaa shaqayndoona,
Guryaha la gubey sidaa ilaa xogogaal ahii iisheegayaan waxay kor uu dhaafayaan 40 guri.
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
40 houses, xasiidsana dadku. instead of being proud of horumarka xafaada some people are resorting to hating.Bohol iyo karaman wrote:Dad badan baa ka xun horumarka Beesha Bariga Hargeysa ku talaabsatay, "Bariga hargeysa waxa lagu sheega wakhtigaan xaadirka ah xaafada ugu horumarka badan Hargeysa dhamanteed..
Cadowga new Hargeysa gacaan biraa lagu qabaan doonaa wanaa lagaa shaqayndoona,
Guryaha la gubey sidaa ilaa xogogaal ahii iisheegayaan waxay kor uu dhaafayaan 40 guri.
by the way who are the culprits?
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
From what i heard it was about 21 houses oo shuf beelay. I honestly don't know waxa ka danbeeya those recent incidents. Inshallah wii so baxaysa what the cause was.
More pictures at Oodweynenews. The road between Hargeysa & Berbera was closed.

http://oodweynenews.com/news/52759-muda ... awiro.html
More pictures at Oodweynenews. The road between Hargeysa & Berbera was closed.

http://oodweynenews.com/news/52759-muda ... awiro.html
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
Bohol iyo Karaman, gubista guryaha goormaa la bilaabay? waa runtaa oo bariga Hargeysa aad bay u horumaraysay beryahan danbe. Xaga bariga magaaladu hadda ilaa Haleeya ayay gaadhayba markaa dad baa ka xun horumarkaa.
Salddhigyada bariga Hargeysa waa ina loo dhiibo rag U dhashay beesha bariga Hargeysa oo ciday qabtaana iyaga ciqaabaan iyagoon cidkale ula tegin.

- MujahidAishah
- Posts: 16995
- Joined: Thu Dec 16, 2010 5:32 pm
- Location: Garisadi Guryosamo Goljano ku nool
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
so are the houses catching fire or is it arson
Wonder what kadarag has to say about since she is there and can be our reporter on the ground

Wonder what kadarag has to say about since she is there and can be our reporter on the ground

- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
Arintanu waxay bilaabantay bishii koobaad ee sanadakaa cusub 20011 ilaa iyo hadanaa waa socota,
xaafada waxa loo baahanyahay in shacabkeedu mid ahaado cadow xaafadanaa gacaan biraa lagu qabto,
xaafada waxa loo baahanyahay in shacabkeedu mid ahaado cadow xaafadanaa gacaan biraa lagu qabto,
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
Kalil & Bohol. Just heard the New Hargeysa Police chief has been sacked since he wasn't doing his job well and finding out who is behind those incidents.
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
40 guri ciyaar maaha. Odayaasha xaafadu waa inay dawlada war cad ka keenaan ama iyagu gudi amniga xaafada ka masuul ah samaystaan oo cidii denbigaa lagu qabtana gacan bira lagu qabto. Gaboose haku qasbaan inuu raga Saldhigyada booliska haysta ku bedelo rag bariga Hargeysa u dhashay oo arrintan wax ka qabta. Macquul maaha inuu qof daantaa dhalani saldhigyada booliska haysto.
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
waa waar fiicaan run ahaantii in shaqadaa lagaa eryeey taliyeeku sheegii hore laakiinse waa in loo dhiibaaa nin uu dhashay Bariga Hargeysa
xukumaada laftigeedu mantaa waa isku xaari gaadhey markee reer new Hargeysa oodaa soo jabsadeen
xukumaada laftigeedu mantaa waa isku xaari gaadhey markee reer new Hargeysa oodaa soo jabsadeen
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
New Hargeysa waa badhtama magaalada markaa haddii la mudaharaado isusocodka magaalada oo dhan ayaa istaagaya. Wada weyn e badhtamaha magaalada marta e Berbera u baxda ayaa xidhmaysa.
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
that is right, wadadu waa xidhmaysaa waxa soo marayaanaa majirayaan hadii reer new argeysa ka caan,
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
War Garxajis Futo Yaray Maxaad Ka Wadaan Hargeisa? Waaxey Mudaharaadkani? Yaa Gubay Guryaha Ma Dad Xaafado kale soo Jeeda? Lama Fahmin sheekadan, Haddi ay Xukummado ka Dambeysay Taalabo deg deg ayaan Ka Qaadeyna, Markaas Fadla siday wax uu Jiraan? Sawiradana waxaan ka Arka Suldaan Xiirane 

- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
Waa in la soo baadha arrintan !! Guriyaha la gubaya , then people with money come out of nowhere all of sudden wanting to buy your land , this has to be investigated ! Anigu sidaas baan u maleeya .
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Mudaharaadka Reer N. Hargeysa, iyo Guryo badan oo gubana
waar habar xabuusho futo wayn eey maxad kaa wadaan qorulugud

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1204 Views
-
Last post by Air_Canada
-
- 28 Replies
- 3715 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 2626 Views
-
Last post by Air_Canada
-
- 15 Replies
- 4538 Views
-
Last post by damu
-
- 48 Replies
- 2334 Views
-
Last post by True Stori
-
- 36 Replies
- 2092 Views
-
Last post by Shirib
-
- 18 Replies
- 4078 Views
-
Last post by Runloow101
-
- 23 Replies
- 2762 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 7 Replies
- 1839 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 0 Replies
- 782 Views
-
Last post by The_Emperior5