Kulanka ayaa waxa kasoo qeybgalay masuuliyiin katirsan maamulka degmada Kismaayo oo uu kamid yahay gudoomiyaha degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali, Madaxa dacwada iyo Tacliinta degmada Kismaayo Sheekh C/raxiin Cali muudeey iyo masuuliyin kale oo katirsan maamulka xarakada Alshabaab ee degmada Kismaayo, waxaana uu kulankani ka dhacay xarunta Jaamacadda C/dalla Cazaam ee magaalada Kismaayo.
Qaat katirsan odoyaasha dhaqanka degmada Kismaayo oo kulanka qudbado kooban ka jeediyay ayaa ka hadlay marxaladda uu dalka marayo iyo dagaalada ka socda dalka Soomaaliya waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qeybqaataan dagaalada ay Xarakada Alshabaab kaga soo horjeedo jiritaanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada AMISOM ee gudaha dalka Soomaaliya.
Waxaa gabagabadii halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo isagu u mahadceliyay odayaashii kulanka kazoo qeybgalay, isagoona ugu baaqay in ay garab istaagaan maamulka islaamiga ah ee Degmada Kismaayo islamarkaasina ay ka hortagaan dagaalada iyo abaabullada ciidan ee ka jira qaar katirsan xuduudaha ay soomaaliya la wadaagto wadamada deriska ah







