puntland daraiwshii gathering in tukaraq for laascound

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

puntland daraiwshii gathering in tukaraq for laascound

Post by FBISOMALIA »

Ciidamo Ka Tirsan Daraawiishta Dawladda Puntland Ayaa Gaarey Duleedka Laascaanood

Ciidamo ka tirsan Dawladda Puntland ayaa saacadihi lasoo dhaafay kusii qulqulaayay Degmada Tukaraq ee gobolka Sool una dhaxeysa magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.

Warar ay warbaahinta Horseed Media helayso ayaa xaqiijinaaya in Ciidamo ka tirsan Puntland oo wata gaadiidka dagaalka ay tan iyo shalay ka ambabaxayeen magaalada Garoowe iyadoo durba ay gaareen duleedka Tukaraq.

Ciidamada ayaa waxaa hogaaminaaya Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Puntland waxayna ka danbeysey kadib markii ciidamada Somailand ay weerar ku qaadeen shacabka beesha Dhulbahante ee gobolka Cayn, isla markaasna ay ciidamo cusub u soo direen dhanka Laascaanood.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Ciidamo hor leh lagu wado in ay ka baxaan magaalada Garoowe oo ay u ruqaansadaan Tukaraq.

Dhinaca kale wararku waxay sheegaayan in Ciidamo uu hogaaminaayo Wasiirki hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ku suganyihin halka lagu magacaabo Cadaadda oo u dhow magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Axmed Karaash iyo Ciidan uu wato ayaa waayadan dhaq-dhaqaaq ciidan kawaday gobolka Sool, waxaana uu wacad ku maray in uu fulinaayo hawshii uu dalka u yimid ee ahayd in uu xoreeye xarunta gobolka Sool.

Arimahaan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan Madaxweynaha Puntland uu digniin ujeediyey maamulka Somaliland isagoo si kulul uga hadlay colaadi Kalshaale,iyadoo u sheegay in Dawladda Puntland ay si rasmi ah u difaaci doonto shacabkeeda.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: puntland daraiwshii gathering in tukaraq for laascound

Post by FBISOMALIA »

Wararkii ugu dambeeyey Dagaalada Sool iyo Ceyn iyo Ciidamada Puntland oo qarka u saran Laascaanood

Garowe(Puntlandi.com) Tan iyo markii Puntland ku dhawaaqdey Dagaal ay la galeyso Somaliland ayaa waxaa dhamaan deegaanada Sool iyo Ceyn laga dareemayaa Xaalad dagaal, inkastoo Talisyada Ciidmada Puntland ay adkeeyeen in warar toosa kasoo baxaan dhaqdhaqaaqa ciidamada.
Wakiilka noo jooga Magaalada Laascaanood oo aan khadka teleefoonka kula xiriirney wuxuu noo xaqiijiyey in magalada uu Qax xoogan ka bilowdey shaley galab, ka dib markii ay soo gaareen magaalada wararka ku saabsan Ciidamada Puntland ee kusoo wajahan Laascaanood, Ciidamdii Soomaaliland ee joogey Laascaanood ayaa ka baxey magaalada, shacab fara badan oo u badan dadka ayidsan maamulka Somaliland ayaa iyana qax bilaabey saaka.

dhinaca Ciidamada Puntland oo xaley u ho’ydey meel aan saas uga fogeyn Laascaanood ayaan ilaa hada la kulmin wax ka horyimaada ama ishortaaga, Wasarada Abniga Puntland iyo Talisyada Ciidamdu waxey xanibeen in wax wara oo ciidanka ku saabsan uu soo gaaro saxaafada. inkastoo ay jiraan Dad iyagu iska odorasaya wararka ama sameynaya war aan jirin taasna waa laga digey.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helney aaga hore ee ciidanka waxey noosheegeen iney Cidamdu hada kusugan yihiin meel aan wax saasa ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha ee Laascaanood, wax dagaal ahna uusan dhicin balse wakhti kasta uu dhici karo.

Ciidamada Puntland waxey hada kusugan yihiin dhamaan goobaha Furinta hore, waxaana dhinaca gobolka Ceyn weheliya Ciidamada deegaanka oo iyagu horey dagaalka ugu jirey. Wararkale oo aan si hoose u helney ayaa sheegaya in laga yaabo in Khadka Teleefoonka laga jaro dhamaan goobaha dagaalada looga cabsi qabo iney ka bilowdaan, arintaana waa codsi kayimid taliyayaasha ciidanka, sida aan warka ku helney Sirdoonka Puntland (PIS) ayaa hada wada howlo kusaabsan sidii shirkadaha Teleefoonadu u xanibi lahaayeen isgaarsiinta soonahaas oo dhan, Hadii taasi dhacdo waxaa adkaanaya in wararka dhakhso loo helo.

Puntlandi.com kala soco wararka xaqiiqda ah ee gobolada Sool iyo Ceyn,.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”