Gaalkacyo:(Allpuntland)-Iyadoo ay goordhaweyd oo maqribkii caawa ah gudaha magaalada Gaalkacyo yimaadeen xubno katirsan dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo Wasiiro & Xildhibaano isugujira ayaa waftigaasi waxay imika kulan culus oo ku saabsan xaalka gobolka Mudug la leeyihiin Xubno katirsan maamulka gobolka Mudug,Gudiga Amniga ee gobolka,kan degmada & Saraakiil katirsan taliska guud ee Ciidanka Booliska Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay gaalkacyo joogay howlgalo culusna kawaday.
Shirkan oo ka dhacaya Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo waxaa ka qeybgalaya Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha,Wasiir kuxigeenka Beeraha,Wasiir kuxigeenka Arimaha gudaha Puntland,Xildhibaano,Gudoomiyaha gobolka Mudug,Taliyaha Daraawiishta Mudug,Xubno katirsan Maamulka degmada Gaalkacyo,Taliye kuxigeenka guud ee Ciidamada Amaanka Puntland & Saraakiil kale,wuxuuna shirkani yahay mid balaaran oo albaabadu u xiranyihiin islamarkaasna aanan weli wax faahfaahin ah laga bixin.
Warar hoose oo ay APL shirkan ka helayso ayaa sheegaya in Saraakiisha kaladuwan ee dawladu ay xubnaha maanta Gaalkacyo soo gaaray uga warbixinayaan xaalada Magaalada Gaalkacyo gaar ahaana Howlgaladii ugu danbeeyey ee Gaalkacyo ka dhacay oo uu Taliska guud ee Booliska Puntland oo gacan ka helaya ciidamada Daraawiishta magaalada kawaday,waxaana sidoo kale ay wararku sheegayaan in xubnaha dawlada dhexe kol horeba bilaabaan wadatashiyadii ay maamulka la lahaayeen.
Kulankan oo aanan weli lasoo dhamayn islamarkaasna soconaya ayaa ka hor intii uusan bilaabmin waxaa xubnihii yimid qeybo kamid ahi ay Warbaahinta si kooban ugu sheegeen inay kala warqaadanayaan xubnaha dawlada ee gobolka kusugan islamarkaans ay ogaanayaan xaalka halka uu marayo,wuxuuna imaanaya xili ay ciidanka Amaanku weli Gaalkacyo kawadaan howlgalo balaaran oo Amaanka lagu sugayo kuwaas oo dadbadan loosoo qabqbatay.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
kulan deg deg ah Gaalkacyo uu uga socdo
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
kulan deg deg ah Gaalkacyo uu uga socdo
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 462 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 0 Replies
- 274 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 408 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 1512 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 1675 Views
-
Last post by S-D-M
-
- 9 Replies
- 1134 Views
-
Last post by Serena
-
- 9 Replies
- 738 Views
-
Last post by Shift
-
- 0 Replies
- 529 Views
-
Last post by MarsinQorahay