website ka saadaal.com oo ka shifay sirta shabaabka gedo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

GGJ
Posts: 12
Joined: Wed Jul 08, 2009 10:49 pm

website ka saadaal.com oo ka shifay sirta shabaabka gedo

Post by GGJ »

Saadaal.com Barre Maxamed Faarax (Barre Qooje ) waxaa uu ka mid yahay masuuliyiinta ugu saraysa ururka Al shabaab ee gobolka gedo waxaana uu yahay nin arimo badan lagala tashto marka laga fulinayo guud ahaan gobolka Gedo.


Barre Qooje waxaa uu sheegtaa in uu yahay mujaahid difaacida diinta iyo dadka Soomaaliyeed oga yimid dalka South Afrika halkaas oo uu ka ahaa ganacsade balse howlahaas oo dhan uu isaga soo tagay kadib markii uu arkay dhibaatada dalka ka jirta isagoona ku biiray ururka Al Shabaab ee haatan ka taliya inta badan gobolada dalka Soomaaliya.



Beesha dagta gobolka Gedo waxaa ay ku eedeeyaan Barre qooje in uu u gaystay tacadiyo badan gaar ahaan markii uu dhacay dagaalkii u dhaxeeyay Ahlu Sunna iyo Al Shabaab ee ee kol hore ku dhex maray dagmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayadoo la sheego in Barre Qooje uu amray in la dilo oo qudha laga jaro dhalin yaro dhowr ah oo dagaalkaasi dhaawac ahaan ay ururka Al Shabaab ugu qabteen.


Ninka sidaasi ah waa qof noocee ah diinta uu sheeganayo sideebuu ugu dhaqmaa ma yahay qof runta ka sheega waxaa uu afka ka yiraahdo ee ah in uu kitaabka ilahay wax lagu dhaqo qabyaaladna ay ka fogyahiin ururukooda .


Dad badna o somaliyeed oo ku dhaqan gobolka Gedo waxaa ay isweydiinayaan mar hadii uu sidan yahay ninkaan sheeganaya in difaacida diinta uu oga yimid dalka fog maxaad moodaa kuwa kale ee ka sareeya ama ka hooseeya ee haatan dalka jooga.


Dhagayso warbixin dhexmartay Barre Maxamed Faarax (Barre Qooje ) oo ah sargaal sare oo ka tirsan ururka Al Shabaab ee gobolka Gedo iyo masuul kale oo ka tirsan ururka Ahlu Sunna ee ku sugan dagmada Dolow ee isla gobolka Gedo oo ay jifo ahaan isxigaan Barre Qooje .











Halkaan ka Dhageyso MP3
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”