


Kadib dagaal culus oo saaka Beledxaawo ku dhexmaray ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Shabaab, ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada Dowladdu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi, sida Radio Muqdisho ay u xaqiijeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi.
Maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkaasi ay ka soo gaareen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan, iyadoo ciidamada Dowladuna ay sii raadjoogaan firxadka Maleeshiyaadkaasi.
ciidamada Dowlada iyo dadka deegaankuba waxa ay ku mashquulsanyihiin bakhtiinta dab ka kacay xaafado ka mid ah degmadaasi Beledxaawo.
Dhanka kale Maleeshiyaadka Shabaab ayaa la sheegay in degmada Mandheera ee dalka Kenka ay Madaafiic ku garaaceen, iyadoo isku dhac kooban uu dhexmaray ciidamada Dowlada Kenya iyo Maleeshiyaadka Shabaab.
Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa u muuqda in ay horumar ka gaarayaan dagaaladii ugu danbeeyay ee ay maleeshiyaadka Shabaab kula galeen Muqdisho, Beledxaawo iyo Hiiraan, waxaana xusid mudan in ciidamada Dowladu ay saaka isku fidiyeen wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho.
khawaarijtii waa jabeenee jibiya nacalada

