Can Xalane offset the obstacles he faces to become prez?
Muqadisho: Wasiirka Maaliyada Xuseen Xalane oo qorshaynayo inuu Madaxawayne ka noqdo Wadanka Somaliya
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Somaliya Dr. Xuseen Xalane oo ah, Aqoonyahan iyo xeel dheere Dhaqanka Somalidda ayaa ku talo jiro inuu isku soo sharaxo xilka Madaxwaynaha Dawladda Somaliya.
Dr. Xuseen Xalane oo dad badan ay ku yaqaanaan Hay'ada Daryeelka Caruurta oo loo Yaqaan "Save the Children". Asagoo markii ugu danbaysay Xoghaye ka ahaa wadanka Sudan oo uu u shaqaynayay Hay'ada Save the Children US.
Dr. Xuseen wuxuu hada Wasiirka Maaliyada ka yahay Dawladda Kumeel gaarka ah ee Somaliya, oo waqtigii loogu tala galay sii dhamaanayo. Inkastoo Madaxda sare ee Dawladdu ay Baarlamaanka ka codsadeen in waqtiga loo kordhiyo.
Dr. Xuseen ayaa qorshaynayo marka uu waqtiga ka dhamaado Madaxwayne hada xilka hayo Sheekh Shariif, isku taagi doono Jagadda Madaxwaynaha Somaliya, asagoo ku kalsoon inuu ku guulaysan doono.
Wasiirka ayaa rag aad ugu dhow u sheegay inuu ku hanwayn yahay inuu ka saaro Dalka Somaliya dhibaatada mudada 20 sano dusha ka saarnayd uuna noqon doono Madaxwayne Somali mideeya.
Wasiirka ayaa waayo aragnimo iyo aqoon qoto dheer u leh xaaladaha aadka u adag oo bini aadamku ay abuuraan, asagoo ka soo shaqeeyay wadamo badan oo ay ka taagnaayeen dhibaato la mid ah tan ka taagan Wadanka Somaliya.
Wasiirka ayaa awoodi doono hadii uu ku guulaysto Xilka Madaxtinimada Somaliya, inuu si fudud uga dhaadhiciyo Dawladaha Caalamka in Somaliya wax lala qabto.
Wasiirka ayaa Wadamada deriska la ah Somaliya aad looga yaqaan, asagoo ku leh saaxiibo aad u badan, oo uu ka heli karo taageero aad u saraysa oo Dawlada Somaliya ay u baahantahay xiligan adag.
Wasiirka ayaan wali soo bandhigin qorshihiisa ku aadan inuu isku taagi doono Madaxtinimada Somaliya. Balse rag aad ugu dhow Wasiirka ayaa noo xaqijiyay in Wasiirku uu ku talo jiro inuu xilkaas isku taago.
http://www.kismaayotimes.com/modules/ne ... toryid=175