Wasiir Ku Xigeenkii Hawlaha Guud Ee Dawlada Sheekh Shariif Ee Lagu Xidhay Hargeysa Oo Sheegay Inuu Is Casilay, Cafisna Lagu Siidaayey
“Waxaan Cadaynayaa In Aanan Mab’da Ugu Biirin Dawlada Sh Shariif, Balse Aan Shaqo Raadis Ugu Biiray, Markay Ii Cadaatay Hubka Laga Siiyo Madaxtooyada Dagaal Ogayaasha Nabad-Diidka SSC” C/Rashiid Riyo-Raac
Hargeysa, February 27, 2011 (Haatuf) - Wasiir ku xigeenkii hawlaha guud ee dawlada Sheekh Shariif ee Somalia C/rashiid Maxamed Cabdi (Ina-Riyoraac) ee dhawaan lagu qabtay Madaarka caasimada oo ku xidhnaa dhawr maalmood ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay cafis ogolaansho ah ku soo daysay, isla markaana cadeeyay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay dawlada Sheekh Shariif oo uu tilmaamay inuu ugu biiray shaqo raadis.
Wasiir ku xigeenkii hawlaha guud ee dawlada Sheekh Shariif waxa uu sidaas ku sheegay Warsaxafadeed uu soo saaray, waxaanu u dhignaa sidan:
“Marka hore waxaan halkan uga mahad naqayaa xukuumadda iyo shacabka Somaliland oo iga aqbalay cafiska aan soo codsaday iina fududeeyay, waxaana halkan ku cadaynayaa in aan si, rasmi ah iskaga casilay xilkii aan u hayey dawlada TFG-da Somalia, waxa kale oo aan cadaynayaa in aanan mab’da ugu biirin, balse aan shaqo raadis ugu biiray dawlada Somalia.
Xilkaas oo ahaa Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud iyo dib u dhiska, ka dib markaan garawsaday qaladka aan ka galay ummada Somaliland kuan soo hungoobay shaqadii iyo mab’ddii dhaqaalaha ku salaysnaa ee aan u tegay Xamar.
Waxa kale oo ka mid ah sababaha igu kalifay inaan xilka inaan xilka iska casilo, markaan ogaaday ama aan arkay nacaybka fogaaday ee loo qabo shacabka iyo dawlada Somaliland iyo markay ii cadaatay goobjoog-na aan ka ahaa taakulaynta Hub iyo dhaqaale ee laga siiyo Madaxtooyada dagaal ogayaasha SSC, isla markaana cidina naga dhegaysan weyday markaanu sheegnay gefka iyo xadgudub ka loo gaysanayo Somaliland, waxaanu ummada Somaliland u balan qaadayaa in aanan mar dambe ku wacad furidoonin dalkayga iyo dadkayga daacad u ahaandoono”
Dirt woqoyi guy changed his mind inside the prison
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 18 Replies
- 2153 Views
-
Last post by Django
-
- 0 Replies
- 296 Views
-
Last post by hanad_mn
-
- 5 Replies
- 462 Views
-
Last post by Basra-
-
- 5 Replies
- 561 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 12 Replies
- 950 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 2 Replies
- 336 Views
-
Last post by Bilis
-
- 3 Replies
- 510 Views
-
Last post by Voltage
-
- 11 Replies
- 665 Views
-
Last post by intellex
-
- 1 Replies
- 376 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 0 Replies
- 288 Views
-
Last post by SagalSharmarke