Wefdi Kasocda Qaramada Midoobay oo Soo Gaarey puntland
Wefdi kasocda Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa maanta soo gaarey magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari iyadoo si weyn loo soo dhoweeyey.
Wefdiga waxaa hogaaminaayay Xirririyaha Bin’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mark Bowden,waxaana weheliyey Saraakil kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay,waxaana diyaarad u khaas ah oo kasoo duushay magaalada Nairobi kusoo dejisay garoonka diyaaradaha ee Bosaaso.
Masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland ayaa soo dhoweeyey wefdiga,waxaana kamid ahaa Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire,Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Badda Eng.Siciid Maxamed Raage,Wasiir kuxigeenka Kaluumaysiga Maxamed Cabdullaahi Saalax,Wasiiru dowlaha Qorsheynta Cabdiqaadir Cabdi Xaashi,Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf iyo Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Beeldaaje.
Wefdiga ayaa loo soo galbiyey Xarunta Wasaaradda arimaha gudaha ee Bosaaso halkaas ay kulan kula qaateen masuuliyinta Dawladda Puntland.
Mark Bowden ayaa hadal ka jeediyey kulanka,waxaana u sheegay in ujeedka uu u yimid magaalada Bosaaso ay la xirrirto arimaha dadka soo barakacay iyo abaaraha ka taagan gobolka.
Wuxuu intaas ku daray in maalinta berito ay aadi doonaan degmooyinka Waaciye iyo Qardho ee ka tirsan gobolka Karkaar.
Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihin imaatinka wefdigaan ee magaalada Bosaaso,iyadoo Wasiiru dowlaha Qorsheynta dhankiisa ka sheegay in ay kala shaqeyn doonaan arimaha wax ka qabashada xaaladdaha bin’aadanimo.
Wefdiga kasocda Qaramada Midoobay ee maanta soo gaarey magaalada Bosaaso ayaa imaatinkooda kusoo beegmaya xilli abaaro ba’an ay ka taaganyihin gobolka.
Qaramada Midoobay ayaa marar badan sheegtay in ay wax ka qaban doonto abaaraha ka jira Soomaaliya.