Page 1 of 1

Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 4:34 pm
by RuralMan08
Dawlada Itoobiya ayaa la sheegay inay ciidamo xoogleh soo dhoobtay xuduudeeda ku beegan degmada Buhoodle ee gobolka Togdheer ee fadhiisinka u ah Kooxaha Nabad-diidka iyo kuwa taageera ee ka soo garab dagaalamaya, kuwaas oo la sheegay in ciidamada Itoobiyaanku saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ay si weyn ula socdeen dhaqdhaqaaqyada gaadiidka ka soo gudbaya xuduuda iyo dadka u soo socdaalaya dhinaca Itoobiya.

Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay shaki weyn ka qabto kooxaha nabad-diidka ah ee dhawaanta dagaalka la galay ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida Maygaagle iyo Hagoogane ee u dhaxaysa degmooyinka Qori-lugud iyo Buhoodle inay u soo gudbaan dhinaca Itoobiya, isla markaana ay ka geystaan falal amaan daro ah.

Dhinaca kale ilo wareedyado lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Haatuf u sheegay in dawladda Itoobiya ay martiqaad yeedhmo ah u soo dirtay xukuumadda Somaliland oo la sheegay inay kaga dalbatay inay wefti u soo diraan caasimada dalkaasi ee Addis Ababa si ay uga wada hadlaan xaaladaha ka soo cusboonaaday xuduuda ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ee Buhoodle iyo Guud ahaanba xaaladaha ka aloosan gobolka Geeska Afrika.

Ma cada ilaa hadda waftiga xukuumadda Somaliland ka tagi doona inuu Madaxweyne Siilaanyo hogaamin doono iyo in cid kale hogaamin doonto waftigaasi, balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya, in wafti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada Dr Maxamed C/llaahi Cumar ay maanta socdaal ugu ambabixi doonaan casimada dalka Itoobiya ee Addis ababa.

Si rasmiya looma oga ujeedada marti qaadka dawlada Itoobiya ay usoo fidisay wakhtigan xaadirka ah Somaliland arrimaha uu salka ku hayo ee gun-dhiga u ah, hase yeeshee marti qaadkan ayaa ku soo beegmaya socdaalkii uu dhawaan madaxweynaha maamul goboleedka Majeerteeniya C/raxmaan Maxamed Faroole uu ku tagay caasimada dalka Itoobiya oo la sheegay, in madaxda sare ee dalkaasi ay uga digeen inuu wax faro-galin ah ama colaado ah ka alooso gobollada bariga Somaliland gaar ahaan aaga Buuhoodle ee ay isku urursadeen kooxaha nabad diidka ee la sheegay inay la socdaan kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab iyo ONLF, oo tibaaxuhu sheegayaan, in dawlada Itoobiya ay indho dheeraad ah ay u leedahay dhaqdhaqaaqyada colaadeed ee deegaanka Buuhoodle ay ka wadaan.

Ilo wareedyo aanu ka helay deegaanka Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan, in dawlada Itoobiya ay todobaadkan soo dhigtay xuduudkeeda ku beegan Buuhoodle Ciidamo xoogan oo ay si weyn ugu sugayso, in kooxahaasi xagjirka ah ee ku sugan aagaasi ay usoo talaabaan dalkeeda kana soo gudbaan xuduuda, taas oo wararku intaa ku darayaan, in todobaadkii u dambeeyay ciidamada Itoobiyaha ee ku sugan xuduuda ay si weyn ula socdeen, isla markaana u xoojiyeen dhaqdhaqaaqyada gaadiidka iyo dadka usoo gudbaya dhinaca Itoobiya.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxa labaatankii sanadood ee u dambeeyay uu ka dhexeeyay heshiis iyo cilaaqaad weyn oo ku saabsan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo labada shacbi xidhiidhada ganacsi ee ka dhexeeya.

Dhinaca kale dabayaaqadii bishii September 2010-kii ayay ahayd markii waftigii uu hogaaminayay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay booqashada ku tageen xarunta Itoobiya ee Addis Ababa halkaas oo si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay, isla markaana loogu qaabilay waftiga madaxweynaha, kuwaas oo kulamo ay si gaar ah u yeeshay Raysal Wasaaraha Itoobiya Males Zenawi iyo Madaxweyne Somaliland Mr Siilaanyo oo lagu tilmaamo wakhtigan xaadirka ah in xidhiidhka ka dhexeeyo labada dal uu si weyn kor ugu kacay."

Isha:HTF

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 4:34 pm
by Cali_Gaab
And?

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 4:35 pm
by RuralMan08
I think this is from Isaaq website, you can tell from the language. Nabaddiid = SSC

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 4:35 pm
by RuralMan08
Cali_Gaab wrote:And?
Im just a messenger

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 4:36 pm
by The_Emperior5
they just closed their border with Somaliland no nabbadid can leave and cross behind Ethiopian border

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 4:36 pm
by Cali_Gaab
Ok?

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 4:38 pm
by RuralMan08
Cali_Gaab wrote:Ok?
Im just a messenger man like Coueus

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 4:48 pm
by Cali_Gaab
Markaa?

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 4:55 pm
by FBISOMALIA
maamul goboleedka Majeerteeniya C/raxmaan Maxamed Faroole
those words are enough proof that the writer is isaaq anyway ethopiha is sland mother so ofcourse they want to help sland in the war so what is the new about the news :roll:

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 4:59 pm
by Cali_Gaab
FBISOMALIA wrote:
maamul goboleedka Majeerteeniya C/raxmaan Maxamed Faroole
those words are enough proof that the writer is isaaq anyway ethopiha is sland mother so ofcourse they want to help sland in the war so what is the new about the news :roll:
Did futoole come back from Addis yet?

One evening, Faroole calls for War
Next morning, he's in Addis and we're still waiting a week later :lol:

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 5:05 pm
by Babygirl-
They will be defeated like they were defeated many times! :up: :som: :rose:

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 5:25 pm
by FBISOMALIA
Cali_Gaab wrote:
FBISOMALIA wrote:
maamul goboleedka Majeerteeniya C/raxmaan Maxamed Faroole
those words are enough proof that the writer is isaaq anyway ethopiha is sland mother so ofcourse they want to help sland in the war so what is the new about the news :roll:
Did futoole come back from Addis yet?

One evening, Faroole calls for War
Next morning, he's in Addis and we're still waiting a week later :lol:
ethopiha now try to satisfied faroole so puntland not karbash sland like 2003 ... thats prove puntland military capability that it can take lasscound in just one day :lol:

ethopiha sland mother right now shaking her ass for us with be that enough to change our mind let see what will happen in few days coming :roll:

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 6:00 pm
by juzme123
RuralMan08 wrote:I think this is from Isaaq website, you can tell from the language. Nabaddiid = SSC
What do you mean you think, you were the one who posted it :lol: :?

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Sun Feb 27, 2011 6:12 pm
by FBISOMALIA
juzme123 wrote:
RuralMan08 wrote:I think this is from Isaaq website, you can tell from the language. Nabaddiid = SSC
What do you mean you think, you were the one who posted it :lol: :?
busted :lol: :lol:

Re: Breaking News: Ethiopian soldiers heading to Buuhodle

Posted: Mon Feb 28, 2011 12:11 pm
by Heritage!
The_Emperior5 wrote:they just closed their border with Somaliland no nabbadid can leave and cross behind Ethiopian border
you know when the SNM or SSDF fighters were fighting for equal opportunities in Somalia they were "Nabad-diid" in the eye of the regime in Mogadiscio. Now, it seems Some Politicians is Somaliland are using that same language against those oppose their policy! this is funny you know to close your eyes and ears and then say "We can't see, we can't hear!"

it is better to negociate with these people... to find a peaceful solution for the problem. they've already started demolishiing
the "Baraagta" that triggered this in that region.