
Xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga Puntland ka furmay kulan ku saabsan Wadatashi ah kasoo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala gadisan ee wasaaradaha iyo Hay’addaha Dowlada Puntland.
kulankaan wada tashiga ahaa ayaa ku saabsanaa qaabkii loogu samayn lahaa siyaasada isku xirta mashaariicda dibada ka imaanaya iyo kuwa ay wadaan laamaha Dowlada,waxaana Furitaankii ka hadlay Wasiirka Qorshaynta iyo Xirrirka Caalamiga Dr.Daa’ud Maxamed Cumar oo sheegay in Kulankaan uu ahaa mid heerar kala gadisan soo maray heerarkaan ee ahaayeen in la fahmo qiimaynta iyo dabagalka waxaa layiraahdo tasoo qaadatay mudo tasoo ay wasaaradu u qabatay ilaa iyo afar tababar oo kusaabsan qiimaynta iyo dabagalka kuwasoo ay u qabtay wasaaradaha dowlada.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay wasaaradu sidoo kale ay samaynayso in wasaarad kasta ay samaysato qayb samaysa qiimaynta iyo dabagalka taasoo hada la dhihi karo waa la fahmay qodobka qiimayna iyo dabagalka ayaan maanta sababtay in la qabto kulankaan maanta uu yahay sidii loo samayn lahaa siyaasada Mashaariicda wadanka soo gasho ayan maanta dadkaan isugu yeernay in ay fikirkooda ka dhiibtaan oo ay tasoo siiyaan wax kastoo ay is dhahaan waxaa dan uguma jiraan dalka.
Daa’ud Maxamed Cumar ayaa sidoo kale sheegay in uu san ahayn barnaamijkaan mid cid lagu intixamaayo uu yahay in la ogaado mashaariicda dalka soo gaartay in ay u hirgaleen sidii loogu talgalay iyo in ay gaareen cidii loogu tala galay.
Wasiirka ayaa ugu danbayntii sheegay in ay arimahaas oo dhan ay tahay mid ay dadka iyo dalkaba ay dani ugu jirto maadaama Siyaasadaas ay tahay mid lagu xaqiijinaayo in mashaariicda dalka loogu talagalay ay u hirgaleen sidii loogu tala galay.
Maxamed Siciid Yuusuf
Horseed Media
Garoowe,Puntland