They are desperate, that they asked Generals, Col and Chiefs from dowladi dhexe that took part in 77 war for military help, after they recieved huge karbaash from the government.
Saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay duqeymaha ay ciidamada Itoobiya u geysteen magaalada Beled Xaawo ee gobolkaasi Gedo.
Kulan balaaran oo ay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ku yeesheen saraakiishii hore ee ciidanka xoogga ee ka qeyb qaadatay dagaalkii 77 iyo saraakiisha Shabaab ayay uga wada hadleen sida ugu muhiimsan ee wadamada deriska ah looga difaaci karo dhulka Soomaaliya.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaareey ayaa sheegay in maanta halkaasi ay ku kulmeen ilaa iyo 30 sarkaal oo ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliyeed iyo Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur oo uu wehliyay Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf.
Sareeyo Guuto Indha-guduud oo ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga ee ka qeyb galay dagaalkii 1977 ayaa kulankii maanta ka sheegay in Soomaalidu
mas’uul ka tahay in lagu soo gardaroodo dhulkeeda.
“In maanta magaalooyinkii Soomaaliyeed ay Xabashi gubto waa wax aanan qaadan karin. Kenya iyo Itoobiya way ka hebeysan jireen qaranka Soomaaliyeed maanta waan aragnaa sida ay noogu gardaroonayaan” ayuu yiri Indho Guduud.
Saraakiisha ciidanka xoogga waxay si kulul u weerareen dowladda Itoobiya oo ay ku tilmaameen cadaw soo jireen ah oo ku adeeganaya wax magarato Soomaali ah.
Abuu Mansuur oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in saraakiisha Shabaab ay talooyin iyo khibrado dhanka Milatariga ah ka qaadan doonaan saraakiishii qaranka Soomaaliya.
Gabagabadii kulanka ayay labada dhinac si isku mid ah u cambaareeyeen burburinta ay ciidanka Itoobiya u geysteen magaalada Beled Xaawo.
Waa Markii ugu horeysay oo ay kooxaha Islaamiyiinta ah kulamo la yeeshaan saraakiishii hore ee qaranka Soomaaliyeed xilli dowladda KMG ah sheegtay in iyadu ay tahay qaran jira.
Garbahaarey: (Sh. M. Network)Masuuliyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo waxaa ay kulamo kula qaateen saraakiil ka tirsanaa ciidamadii xooga Soomaaliyeed ee dagaalka la galay dowladda Ethiopia Sanadkii 1977-dii
Iyadoo xarakada Al Shabaab ay dagaalo xoogan haatan kula jirto dowladda KMG Soomaaliya ayaa saraakiil ka tirsan Al Shabaab waxa ay kulamo kula qaateen degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo saraakiisha ciidamadii hore ee xooga dalka ee ka qeyb qaatay dagaalka 1977 dhexmaray Ethiopia iyo Soomaaliya.
AL Shabaab ayaa saraakiishii hore ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxaa ay ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan dagaalada Xarakada Al Shabaab ay kula jirto ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM islamarkaana maskaxdooda ay ku biiriyaan dhalinyarada yaryar ee ka tirsan Al Shabaab.
Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah masuuliyiinta kulanka ka qeyb gashay oo halkaasi ka hadashay ayaa waxaa uu ugu baaqay saraakiishii hore ee ciidamada xooga dalka in dagaalada lagula jiro dowladda KMG iyo AMISOM ay ka qeyb qaataan islamarkaana ay u huraan naf iyo maal intaba.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa masuuliyiinta AL Shabaab waxaa ay wadeen dadaalo xoogan oo ay ku abaabulayeen ciidamo horleh oo ka qeyb qaata dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada maanta ee degmadaasi ay tahay mid degan iyadoo aysan jirin wax dagaalo ah oo halkaasi ka soconaya hase ahaa wali ay taagantahay saan saan colaadeed oo u dhaxeeya dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.
Al-Shabab ask Saraakiil's for help in Garbahaarey
Moderator: Moderators
- XimanJaale
- SomaliNet Super
- Posts: 12578
- Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
- Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 216 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 5 Replies
- 525 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 1095 Views
-
Last post by ababanoah
-
- 0 Replies
- 305 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 13 Replies
- 155 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 644 Views
-
Last post by abgaalKING
-
- 1 Replies
- 355 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 0 Replies
- 120 Views
-
Last post by Ducaysane_87