
Wasaarada Arimaha gudaha Puntland oo ishortaagtey in Cabdirahmaan M.X.Xasan uu xilkiisa dib u helo
Garowe(Puntlandi.com) Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Wasiirka Arimaha gudaha Puntland ayaa lagu cadeeyey in golaha Deegaanka Gaalkacyo ay ku qaldanaayeen iney ogolaadaan go’aankii duqa Magaalada Gaalkacyo uu uga noqdey Iscasilaadiisa, waxaana Golaha ay Wasaaradu ku amartey iney nin Cusub soo doortaan.
Wasaarada ayaa dib usoo celinta Duqa magaalada Gaalkacyo ku tilmaantey mid sharci daro ah, Golaha deegaanka ayaa mardhow shir deg deg ah ka yeelanaya wareegtadaan ka soo baxdey Wasaarada arimaha Gudaha ee Puntland.
Wasaaradu waxey hoosta ka xariiqdey inaan la aqbali karin Go’aanka uu duqa magaaldu uga laabtey Iscasilaadiisa.
Arintaan faragalinta ay wasaaradu ku sameysey Go’aankii Golaha deegaanka Gaalkacyo ku ansixiyeen Duqa magaalada ayaa dad badan u arkeen iney tahey mid aan wanaagsaneyn, balse waxaa la sugayaa jawaabta ay golaha Deegaanku ka bixiyaan.
Duqa magaalada Gaalkacyo ayaa sabtidii 26 febaraayo is casiley, maalmo ka dib ayuu sheegey inuu ka noqdey iscasilaadiisa, waana ka aqbaleen Golaha deegaanku ka dib markey shir degdeg ah isugu yiamadeen.
Duqa Magaalada oo haatan kusugan Nairobi waxaa la sugayaa inuu Gaalkacyo yimaado sacadaha soosocda,marka uu imaanayano waxaa la qorsheynayaa in shacabka magaaldu si diiran usoo dhaweeyaan.

