Page 1 of 1

Buhoodle elders apologize for what the Nabbadids did Today.

Posted: Tue Mar 01, 2011 5:40 pm
by The_Emperior5
Salaadiinta Buuhoodle Oo Raali Gelin Ka Bixiyay Weerar Koox Nabad Diid Ahi Ku Qaadeen Ciidanka Qaranka
March 1st, 2011

Hargeysa (Somaliland.Org)-Salaadiinta iyo Isimada deegaanka Buuhoodle ayaa raali gelin ka bixiyay koox nabad diid ah oo maanta ciidanka qaranku baacsaday ka dib markii ay soo weerareen fadhiisin ciidanka qaranku ku leeyihiin deegaanka Kalshaalle ee u dhaxeeya Buuhoodle iyo Qorilugud.

Isimada iyo Salaadiintaasi waxay sidaasi ka sheegeen ka dib markii ay shir deg deg ah galabta ku yeesheen magaalada Buuhoodle, waxaana ka mid ahaa Isimada iyo salaadiinta ugu magaca weyn deegaanka Buuhoodle, oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Suldaan Maxamed Saleebaan Galaydh.

Afhayeenka salaadiintaasi Axmed Cawil Bacaluul ayaa raali gelin ka bixiyay wax uu ku tilmaamay wiilal si khalad ah u soo weeraray ciidanka qaranka isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa uu shirkayagu ku saabsanaa khatalaaddii ka dhacday maanta deegaanka Kalshaalle iyo nabaddii socotay caqabad ayuu ku yahay weerarkaasi. Muu ahayn mid ku tallo-gal ah wuxuu ahaa mid wiilal aan badnayn ah waxay soo eegayeen bali, waxa lagu yidhi waa laga guuray oo cidi ma joogto mar qudha ayay is arkeen iyagoo dhex taagan ciidankii qaranka, sidaan ka war helayna labada dhinacba wax khasaare ahi ma soo gaadhin. Arrintaasi waanu ka xun nahay kana cudur daaranaynaa.”

“Waxaanu ka raali gelinaynaa darafyadii ay dhibtu soo kala gaadhay waxaanu leenahay arrintan weerarka waanu ka xun nahay. Waxaan ku baaqayaa in Gedi socodka nabadda la dhamaystiro,”ayuu yidhi Ganacsade Axmed Cawil Bacaluul oo caawa u waramayay Idaacadda BBC-du.

Re: Buhoodle elders apologize for what the Nabbadids did To

Posted: Tue Mar 01, 2011 6:23 pm
by KyrieJama
The_Emperior5 wrote:Listen to bbc somali galabti 18:00 And you will see it your self and please i can read,, u dont need to write in Big letters. there is no need for that
:lol: What a belligerent motherfucker soo maha, why is he yelling at you :!:

Re: Buhoodle elders apologize for what the Nabbadids did To

Posted: Tue Mar 01, 2011 6:25 pm
by The_Emperior5
garad13 wrote:

Maya farta waweyn indhaha igu xanuuna :lol: ma wuxu no haysta qof indho la

Re: Buhoodle elders apologize for what the Nabbadids did To

Posted: Tue Mar 01, 2011 6:25 pm
by MujahidAishah
garad13 wrote:
The_Emperior5 wrote:Listen to bbc somali galabti 18:00 And you will see it your self and please i can read,, u dont need to write in Big letters. there is no need for that
:lol: What a belligerent motherfucker soo maha, why is he yelling at you :!:
Loolz waa daadkaga naga qabso Garadow :lol: :lol:...

EMP are you serious Captain Faalso wtf name is that :lol: :lol: :lol:

Re: Buhoodle elders apologize for what the Nabbadids did To

Posted: Tue Mar 01, 2011 6:30 pm
by MujahidAishah
can some one ban him from the somaliland section neverous kuu igu keyaay

Re: Buhoodle elders apologize for what the Nabbadids did To

Posted: Tue Mar 01, 2011 6:39 pm
by MujahidAishah
whatever son :roll: :roll: ..

Re: Buhoodle elders apologize for what the Nabbadids did To

Posted: Tue Mar 01, 2011 9:09 pm
by Advo
why are u talking to urself aisha :lol:

Re: Buhoodle elders apologize for what the Nabbadids did To

Posted: Tue Mar 01, 2011 9:17 pm
by ToughGong
:?