Gaari nooca Land Cruiser-ka loo yaqaano ayaa saaka qarax nooca miinada dhulka lagu aaso lagula beegsaday agagaarka Hotelka Juba ee magaalada Bosaaso.
Sida uu noo sheegay Taliyaha Qaybta Gobolka Bari Col.Hurun waxaa qaraxaas ku dhintey dareewalkii gaariga, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale.
Taliyaha ayaa sheegay in hadda ay wadaan baaritaano la xirrira qaraxaas isla markaana gadaal ay saxaafada ka siin doonaan warbixin faahfaahsan.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo buux dhaafiyey dadweyne badan oo usoo baxay sidii ay u arki lahaayeen qaabka ay wax u dhaceen,waxaana daqiiqado kadib goobta soo gaarey Ciidamada amaanka.





