
http://gedoonline.com/?p=17886
Buulaxaawo: (Sh. M. Network) Dagaalo goos goos ah oo ay bar bar socdeen Madaafiic ayaa maanta waxaa ay degmada Buulaxaawo ee gobolka Gedo ku dhexmartay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo isku dhinac ah iyo Xarakada Mujaahihiinta Al Shiabaab.
Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda degmada Buulaxaawo iyo deegaanada u dhow dhow ayaa dagaal goos goos ah oo ay bar bar socdaan Madaafiic waxaa ay ka dhaceen deegaan lagu magacaabo Suufka oo 10-KM u jirta magaalada Buulaxaawo ee gobolka Gedo.
Dagaalkaasi ayaa waxaa uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna oo isku dhinaca ah iyo Xarakada AL Shabaab, waxaana dagaalkaasi uu ku bilaawday kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda KMG ay dhaq dhaqaaqyo Milatari ka bilaabeen deegaanka Suufka ee gobolka Gedo.
Goobjoogayaal ka gaabsaday in la shaaciyo magacyadooda ayaa Idaacadda Shabelle u cadeeyay in ciidamo ka tirsan dowladda KMG ay madaafiic ku garaaceen degmada Buulaxaawo, waxaana markaasi xigay dagaal goos goos ah oo dhinacyadaasi ku dhexmaray deegaanka Suufka.
Macadda qasaaraha ay gaysteen dagaaladaasi hase ahaatee waxaa jira qasaaro soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Suufka, iyadoo aan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinacyadii maanta dagaalka uu ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Gedo wallow iminka halkaasi laga soo sheegayo xaalado deganaansho aan sidaasi u caga buurneyn.