Page 1 of 1

1000 Somali Kuffar to Fight Against islam and Muslims!

Posted: Thu Mar 03, 2011 1:35 pm
by Addoow
Ciidamo gaaraya ilaa kun askari oo Ahlusuna taabacsan ayaa maanta soo galay Galgaduud, kadib markii Ciidamadaas tababar ugu soo dhamaaday gudaha dalka Itoobiya, iyadoo Ciidamadaas oo wehliya saraakiil ciidan ay bilaabeen kulamo ay la qaadanayan Madaxda Ahlusuna iyo saraakiisha dhanka Ciidamada.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamadan ayaa ahaa kuwo dhowaan lagu uruuriyay degmooyinka Guriceel, Dhuusa Mareeb, Caabudwaaq iyo deegaano kale, waxaana kadib bilo ka hor loo qaaday Itoobiya oo lagu soo tababaray.

Ciidamadan ayaa xirnaa dareys isku mid ah oo ka duwan kuwa ay xirnaan jireen Maleeshiyaadka Aglusuna, ha yeeshee dadka ayaa shaki gelinaya dareyska gaar ah oo ay wateen, kaasoo lagu yaqaano Ciidamada la yiraahdo New Police ee Kilinka Shanaad ee Ismaamulka Itoobiya ka howl gala.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ay soo gaareen deegaanka Balanbal, iyadoo lagu wado inay uga sii gudban deegaanada kale ee Ahlusuna ay ka taliyaan.

Saraakiisha Ahlusuna ayaa sheegay in ciidamada tababarka u soo dhamaaday ay qeyb ka noqon doonaan dagaalada ay kula jiraan Shabaab, iyagoo ku goodiyay in dhowaan ay dagaalo ku qabsan doonaan deegaano ka mid ah Galgaduud.

Re: 1000 Somali Kuffar to Fight Against islam and Muslims!

Posted: Thu Mar 03, 2011 1:47 pm
by AhlulbaytSoldier
The 1500 murtaddeen from baidoa are much more worse.
I hope none of them returns back alive.

Re: 1000 Somali Kuffar to Fight Against islam and Muslims!

Posted: Thu Mar 03, 2011 2:31 pm
by kambuli
At the end of the day ..Somalis killing Somalis..This makes some enemies very very very happy :down: