Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland Booqday cayn war Injury

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland Booqday cayn war Injury

Post by FBISOMALIA »

Image

Galkacyo(Puntlandi.com);- Wasiiro iyo xildhibaano katirsan xukuumada Puntland ayaa booqday dhawacyada ka dhashay dagaalkii kalhore ka dhacay Degmada Kalshaale ee Gobolka Cayn kuwaa oo kujira cisbitaalka Gobolka Mudug.

Wasiirka Dhalinyarada Cayaaraha Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland C/wali Indhaguran iyo wasiir xigeenka arimaha gudaha Ali Yuusuf Ali Gaab iyo xildhibaano katirsan Barlamaanka ayaa booqday dhaawacyada waxaana ay ugawarameen halka ay marayso xaaladooda caafimaad.

Image

Wasiirada ayaa Eebe uga baryay in caafimaad siiyo waxaana ay sheegeen in ay ka xunyihiin dhaawacyada loogaystay iyo duulaanka lagu soo qaaday.

Waxaa ay gacanqaadeen dhaawacyada waxaana iyaga oo dhoolacadaynaya kuna faraxsan booqashada wasiirada ay sheegeen in caafimaadkooda wanaagsanyahay.

Image

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale cagta mariyay xerada Dayax halkaa uu kadhacay hawlgalkii uga baaxada waynaa iyagoo bogaadin ujeediyay ciidamada amaanka sida ay waajibkooda uguteen.

Xerada Dayax iyo afaafkeeda waxaa ku suganaa gootooyin ciidana iyo taliya xigeenka bilayska Puntland iyagoo warbixin siiyay wasiirada iyo wafdigooda.

Image

Wafdiga ka socda Dawlada Puntland ayaa qaaday talaabooyin ay shacabka Gobolka Mudug soo dhaweeyen
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”