Wasarada Waxbarashada Puntland Xilalkii ka qaday Gudoomiyeya

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wasarada Waxbarashada Puntland Xilalkii ka qaday Gudoomiyeya

Post by FBISOMALIA »

Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Xilalkii ka qaaday intabadan Gudoomiyeyaashii Waxbarashada

Garoowe:(Allpuntland)-Wasaarada waxbarashada ee dowlada Puntland oo u muuqanaysay sanadahan danbe in ay xooga saarayso tayaynta waxbarashada iyo mudnaansiinta aqoonyahanada u tafaxaydan horumarinta dalka ayaa markii ugu horaysay isbadal ku samaysay gudoomiyaasha gobolada Puntland qayb ka mid ah ka dib kulamo ay wada yeeshen madaxda wasaarada waxbarashada Puntland oo looga arinsaday sidii loo xoojin lahaa gudoonada waxbarashada ee gobolada Puntland.

Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Cawke Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland oo warbaahinta u qaybiyey warqada badalaada lagu sameeyey gudoomiyashii waxbarashada ee gobolada Nugaal,Bari,Mudug iyo Karkaar in ay ka danbaysay cabasho wasaarada ka soo gaadhay iyo in la dhaqaajiyo talaabo horumar leh oo dhinaca waxbarashada ah oo wasaarada higsashadeeda ah.

Waxaa sidoo kale agaasimaha guud ee Wasaaradu uu xusay in xubnaha gudoomiyeyaaasha cusub ee waxbarashada gobolada wasaaradu u diyarisay agabkoodii ay howsha ku qaban lahayeen si ay ugu sahlanaanto in waxqabad la yimadaan.

Waxaana gudoomiyeyaasha la magacaabay ee cusubay kala yihiin.

Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Bari Mahdi Maxamed Muuse.

Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Karkaar Bashiir Axmed Yuusuf.

Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Nugaal Xassan Cabdullaahi Cilmi (Birimo).

Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Mudug Bashiir Axmed Khalaf.

Dhinaca kale masuuliyintii xilalka laga qaaday ayaa waxaa loo kala magacabaay kormeerayaal waxbarasho oo kala duwan waxaa agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada mudane maxamuud cabdirixmaan cowke tilmaamay in qorshu yahay isku duubnaan wadareed oo wasaradu samaysay.

waxayna kala yihiin xilalka loo magacaabay mudanayashii ka tagay xafisyada waxbarashada ee gobolada.

Gudoomiyihi hore ee Waxbarashada gobolka Bari Maxamuud .

Caynab waxaa loo magacaabay kuxigeenka Kormeeraha guud ee dugsiyada Farsamada gacanta .

Gudoomiyihi hore ee Waxbarashada gobolka Karkaar waxaa loo magacaabay Kuxigeenka kormeeraha guud ee Waxbarashada dadban .

Gudoomiyihi hore Waxbarashada gobolka Nugaal waxaa loo magacaabay kuxigeenka kormeeraha Waxbarashada ee dugsiyada sare .

Gudoomiyihi Waxbarashada gobolka Mudug waxaa loo magacaabay kuxigeenka kormeeraha guud ee dugsiyada Hoose,dhexe.

Si kastaba aha ahaatee waxaa qorshahan badalaada iyo magacowga ay samaysay Wasaarada Waxbarashadu qayb ka noqonayaa sida madaxda wasaaradu xustay talaabiiyinka lagu tayaynayo Waxbarashada puntland.

Maxamed Baashe
Allpuntland Garowe.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”