Odayaasha Dhaqanka Iyo Siyaasiyiin Kala Hadlay Is afgaradkii
Posted: Sat Mar 05, 2011 4:53 am
Wasiirada Puntland Oo Odayaasha Dhaqanka Iyo Siyaasiyiin Kala Hadlay Is afgaradkii Mamulka Koonfurta Galkacyo Lagaleen
Galkacyo(Puntlandi.com);- Golaha xukuumada Puntland qaybtooda ku sugan magaalada Galkacyo ayaa Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Gobolka Mudug laqaatay kulan looga hadlayay sida ay u arkaan isafgaradkii dhaxmaray Dawlada Puntland iyo mamulka koonfurta Galkacyo.
Wasiirada iyo xubnaha ay lakulmeen ayaa aad u gorfeeyay qodobada lagu heshiiyay waxa kadhalankara iyo hadii ay ka soo horjeedaan Waxgaradka Odayaal dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Gobolka Mudug.
Nabadoon Yaasiin C/samad oo kamidahaa Odayaashii kulanka kaqaybgalay ayaa sheegay in uusan ku qancin heshiiska waxaana uu ku tilmaamay mid lagu dag dagay oo aan wadatashi dheer laga samayn.
“Wasiirada waxaan waydiiyay halka Xuduuda noo ah anaga iyo mamulka koonfurta Galkacyo jawaabta waa malahan xuduud mamulka koonfurta Galkacyo marka Dawlada Puntland side heshiis ula gashaa mamul aan Gobol iyo xuduud lahayn”ayuu yiri Nabadoon Yaasiin C/samad.
Waxaa uu sheegay nabadoonka in guud ahaan masuuliyiintii ka qaybgalay kulanka aysan ku qanacsanayn heshiiska balse ay taageerayaan talaabo kasta oo amaan lagu helayo.