
Waxaa magaalada San Jose ee gobolka California ku geeriyooday allaha u naxariistee Axmed Jaamac Jangali. Waxaa geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa iyo qaraabadiisa meel kasta oo ay joogaan. Waxaan ilaaheey uga baryeynaa in uu jannadii ka waraabiyo, annaga samir iyo iimaan naga wada siiyo. AAMIIN
Kumuu Ahaa Axmed Jaamac Cabdulle (Jengeli)?.
Kumuu Ahaa Axmed Jaamac Cabdulle (Jengeli)?.
Taariikh Nololeedkiisii:-(Jidbaale.com):-Waxaanu halkan idiinku soo gudbineynaa Taariikh Nololeedkii alle ha naxariistee Marxuum Axmed Jaamac Cabdulle (Jengeli).
Yaraantiisii:
Axmed Jaamac Cabdulle wuxuu ku dhashay magaalada Cadan ee Yemen Bishii January 1922. Wuxuu maddarasadda Carabiga iyo Qur'aanka ku dhigtay Cadan, kadibna wuxuu galay dugsigii MISSION-ka CADAN. Badhtamihii 1940?s. Ka dib markii marxuumku dhammaystay Iskuulka ayuu waxa uu u soo wareegay waqooyiga Soomaliya.
Aqoontiisii:
Waxa loo diray Jaamacadda KHARTOUM INSTITUTE OF PUBLIC ADMINISTRATION, oo ku taalla dalka Sudan, wuxuuna kasoo qaatay laba sano, kadib shahaadadii Jaamacadda. Wuxuu kadib ku soo laabtay dalka, oo uu shaqooyin kala duwan ka soo qabtay intii uu Isticmaarku ka talinayey gobollada Waqooyiga ee Soomaaliya, xilkii ugu danbeeyey, ee uu u qabto xilligii sticmaarku waxa uu ahaa Guddoomiyinimada degmada LASANOD.
Ubadkiisii:
Marxuum Axmed ayaa ka tagay ubad badan, oo ku kala nool daafaha adduunka, intooda badan ay deggan yihiin waqooyiga America. Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalda San Jose ee gobolka Calafornia ee dalka Maraykanka.
Shaqooyinkii Uu Soo Qabtay:
1947- WUXUU SHAQADII UGU HORRA YSA Y KA BILAABA Y MAGAALADA HARGEYSA
1960- WUXUU NOQDAY DEPUTY GOVERNOR GOBOLLADA WAQOOYI OO MIDAYSNAA
1961/62- WUXUU NOQDAY GOVERNOR HARGEYSA
1962- WUXUU NOQDAY GOVERNOR BURCO
1963- WUXUU U AADAY WAXBARASHO MANCHESTER UNIVERSITY UK
1964- WUXUU MAR KALE NOQDAY GOVERNOR BURCO
1964 -1967- WUXUU NOQDAY AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD
1967 -1970- WUXUU NOQDAY DANJIRAHA SOMALIYEED EE UK FADHIYA
1970 -1975- WUXUU NOQDAY AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA GUDAHA
1975-1979- WUXUU NOQDAY MAAREEYAHA GUUD EE HAY’ADDII DANWAAGAHA
1979-1980- WUXUU NOQDAY XOGHAYAHA JOOGTADA AH EE XAFIISKA MADAXWEYNAHA
1980 -1982- WUXUU NOQDAY XILDHIBAAN, ISLA MARKAAS XOGHAYE KA AH GUDDIGA JOOGTADA AH
1982-1984- WUXUU NOQDAY WASIIRKA DAWLADAHA HOOSE IYO HORUMARINTA REER MIYIGA
1984-1986- WUXUU NOQDAY WASIIRKA MADAXTOOYADA
1986-1988- WUXUU NOQDAY DANJIRAHA SOOMAALIYEED EE JARMALKA
1988-1989- WUXUU NOQDAY DANJIRAHA SOOMAALIYEED EE UK
1989-1990- WUXUU NOQDAY WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA EE SOOMAALIYA.
Ilaahey ha u naxariisto MarxuuN Axmed Jaamac, Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.
Jidbaale.com