Page 1 of 1
Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 7:22 pm
by Talo alle udaa
03/05/11:
Sida ay wararku sheegayaan Ciidanka qalabka sida ee dawlada soomaaliya oo kasoo kictamay xuduuda soomaaliya iyo Ethiopia ayaa maanta soo gaarey magaalada Dhu/mareeb ee ah magaalo madaxda gobolka galgaduud. Ciidamadan ayaa Isla markiiba calanka soomaaliyeed ka babinaya magaladaasi, gadaal markii lagula taliyay xoogaga Ahlu Sunna in ay wixii ka danbeeyay caawa ay Ciidama qalabka sida ay ayagu talada leeyihiin.
Waxaa la filaya dhawaan in ciidanka qaranka Soomaaliyeed dhawaan weeraro ku qaado kawaanrijada xooga ku heysta geybo ka mid ah gobolka galgalduud. Kuwa u janjanjeera dhinaca kawaanrijada ayaa ku andacoonaya in ciidanka maanta yimid magaalo madaxda gobolka galgaduud uu yahay ciidan Ethiopian ah oo aysan jirin ciidan qalab sida iyo dawlad soomaaliyeed midnaba. Waxey ku eedeynayaan taageerayasha qaranka cusub ee soomaaliya in maanta lakala garan la'yahay ciidaanka laga leeyahay wadama deriska ah iyo kuwa ciidanka qalabka sida ee qaranka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaate, waxaan shaki ku jirin in ciidanka xooga leh ee gaarey Dhu/mareeb dhawaan dagaal qaadi doonaan, kuwaaso guulaha ay gaaraan ay dabcan sheegan doonaan Ciidama qalabka sida ee soomaaliya iyo ahlu sunna. Waxaa sidoo kale la filayaa in Ciidama qalabka sida ee ku daahey Kenya ayaguna soo weerar tagi doonan, ayagoo calanka soomaliya ku bedeli doona midka kawaanrijada.
---
.
.
.
.
.
.Talo's attempt at deciphiring TFG news portals on the developments in Somalia amidst the propaganda on the air waves.
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 7:25 pm
by grandpakhalif
What the hell is kawaanrijda?
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 7:27 pm
by quark
subxanallah, this endless wars are depressing

Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 7:28 pm
by Talo alle udaa
Back to reality. Waa sax ciidan qalab sida ayaa gaarey Dhu/mareeb laakiin ma aha mooryaanta TFGda ku qaraabta magaca "ciidanka qalabka sida" ee waa Ciidamada Ethiopia. Marka hadaad maqashaan Ciidan qalab sida, ogaada TFGda ma haystaan qalab la sido oo aan ka aheyn waxey soomaalidu ku dagaal gasho.
Shabelle's take:
Dhuusamareeb: (Sh. M. Network)Ciidamo Ethiopian ah oo watta gaadiid dagaal ayaa galabta gaaray degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud iyagoo halkaasi ka sameystay fariisimo ku meel gaar ah.
Ciidamadaani oo watay gaadiidka Ciidamada Ethiopia ay ku caanbaxeen ee loo yaqaan Uuraalka ayaa waxaa la sheegay in ay fariisin ka sameysteen xerada 21 aad ee degmada Dhuusamareeb, iyadoo degmada Guriceelna ay caawa kaga sugan yihiin labada dhinac ee Magaalada, waxaana la sheegay in ciidamadaani ay ka yimaadeen dhinaca degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.
Macadda tirada dhabta ah ee ciidamadaasi iyo gaadiidkooda hase ahaateen imaanshiyahooda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa Shabelle waxaa u xaqiijiyay Masuuliyiin ka tirsan Culumaaudiinka Ahlu Sunna Waljamaaca
Saraakiishaasi ka tirsan Ahlu Sunna oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa waxaa ay sheegeen in aan hadda warbaahinta loo ogoleyn in la baahiyo ujeedada ciidamada Ethiopia ay fariisinka uga sameysteen degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Dhinaca kale ku dhawaad 8 boqol oo askari oo dhawaan loo soo tababaray Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa la sheegay in meel la isugu geeyay iyagoo la siiyay dareeska ciidamada iyo hub aad u farabadan iyadoo wali arintaasina aysan ka hadlin Masuuliyiinta Ahlu Sunna.
Ciidamadaani Ethiopianka ee tagay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa qeyb ka noqonaya ciidamo Ethiopian ah oo maalmihii u dambeeyay soo galayay degmooyin ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 7:30 pm
by Talo alle udaa
grandpakhalif wrote:What the hell is kawaanrijda?
Kawaanrijada, qawaarijaada, khawaarijta, iyo qawaarijooyinka
wa erayo cusub oo ay ku dhacdhaacaan kuwa la dhacsan TFGda iyo hab dhaqankooda.
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 7:34 pm
by grandpakhalif
Wow, Talle are Ethiopians attempting to another fullscale invasion?
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 7:46 pm
by XimanJaale
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 7:59 pm
by Talo alle udaa
XiimanJaale
Ciidanka Dhuso.mareeb tagay ma kuwa qalabka sida ee TFGda?
Sidee lookala saara Ciidanka Ethiopia, AMISOMKa ag tagaan sawirka ugu horeeya ee mirqaan daradeed u arki la'dahay iyo kuwa Kenya?
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 8:23 pm
by XimanJaale
Talo alle udaa wrote:XiimanJaale
Ciidanka Dhuso.mareeb tagay ma kuwa qalabka sida ee TFGda?
Sidee lookala saara Ciidanka Ethiopia, AMISOMKa ag tagaan sawirka ugu horeeya ee mirqaan daradeed u arki la'dahay iyo kuwa Kenya?
Ciidamo gaaraya ilaa kun askari oo Ahlusuna taabacsan ayaa maanta soo galay Galgaduud, kadib markii Ciidamadaas tababar ugu soo dhamaaday gudaha dalka Itoobiya, iyadoo Ciidamadaas oo wehliya saraakiil ciidan ay bilaabeen kulamo ay la qaadanayan Madaxda Ahlusuna iyo saraakiisha dhanka Ciidamada.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamadan ayaa ahaa kuwo dhowaan lagu uruuriyay degmooyinka Guriceel, Dhuusa Mareeb, Caabudwaaq iyo deegaano kale, waxaana kadib bilo ka hor loo qaaday Itoobiya oo lagu soo tababaray.

Don't watch that!
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 8:35 pm
by DR-YALAXOOW
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 8:50 pm
by DR-YALAXOOW
goballada dhexe, waxaa lagu wadaan in ay Ciidamada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ay weerar ku qaadaan Khawaarijta Al-shabaab ee ku sugan meelo yar oo ka mid ah Goballada dhexe.
Waxay wararku intaas ku darayaan in ay waayadan oo dhan ay socdeen ole ole ciidameed oo ay wadeen Maamulka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Goballada dhexe taasoo lagu doonayey in gebi ahaamba looga takhaluso Khawaarijta Al-shabaab ee ku sugan in yar oo ka mid ah Gobalka Galguduud.
Sida uu sheegey Wariyeheenna Goballada Dhexe, waxaa waayadan oo dhan la arkayey Ciidamo si raxan raxan oo aad u hebeysan oo ku sii qul qulayey jiidda hore ee Dagaallada.
Ciidamda Ahlu-sunna Wal-jamaaca ay doonayso in ay dagaal geliso ayaa waxay ka badan yihiin 5000 oo Ciidan oo ku hubeysan saanaddii milateri ee ugu dambeysay.
Lama oga marka ay Ciidamadu dagaalka qaadayaan hase yeeshee wariyaha Galgaduud Ee Mustaqiim ayaa sheegey in ay saacad walba la filan karo, isagoo sheegey in ay jirto istaraatiijiyad siyaasadeed oo la doonayo in iyagana oo aan ogeyn Khawaarijtu looga dul tagayo.
Wixii wara ee soo kordha kala soco wararka yaga dambe.
Xafiiska War-qabadka ee Mustaqiim
E-mail:
mustaqiimcom@hotmail.com
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sat Mar 05, 2011 10:44 pm
by union
We will enter every corner of Somalia. Victory to the army of the Somali people. 
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sun Mar 06, 2011 12:56 am
by Dudaaye
[youtube]aFRJdIVtO9c&feature=player_embedded[/youtube]
Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sun Mar 06, 2011 1:02 am
by abgaalKING
Dhuusomareeb is definitely under amxaar injirleey occupation.sadly though,dad baa mooda in amxaarka hilibka ceyriinka cuna iney sharaf ka helayaa.taasi waa diintada oo aad dolar dhaafsiisado.!

Re: Ciidamada qalabka sida oo gaarey Dhu/mareeb
Posted: Sun Mar 06, 2011 1:17 am
by Garuun
and now the so ca called ahlu sunna are integrated into the New Police force and given same uniforms..New Police is the ruthless militia that terrorise somali people in the occupied Ogaden , they are established and funded by Ethiopia Gov and Meles..