Kenya captures 9 Shiskabab foreigners escaping from ciidanka

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Kenya captures 9 Shiskabab foreigners escaping from ciidanka

Post by CoolPoisons »

Kenya oo sheegtay in ay qabatay rag Ajaanib ah oo ka tirsan Shabaab

Nairobi: (Sh. M. Network)Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dagaalyahano Ajaanib ah oo la sheegay in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo doonayay in ay gudaha u galaan dalka Kenya.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ee dalkaasi ay gacanta ku dhigeen 9 dagaalyahan oo ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin xarakada Al Shabaab.

Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay in sagaalkaan dagaalyahan ay ku jiraan rag ajaanib ah oo mid ka mid ah uu heysto dhalashada dalak Maraykanka halka inta kalana ay yihiin kuwa Soomaali ah.

Ciidamada Kenya ayaa dagaalyahanadaani waxa ay ka qabteen xili habeen ah xadka u dhaxeeya Magaalooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo xili ay doonayeen in ay gudaha u galaan dalka Kenya.

Dowladda Kenya waxaa ay sidoo kale sheegtay in maalmihii u dambeeyay ay ka warheshay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo ay sheegtay in ay ka soo cararayaan dagaalada Balad Xaawo ay doonayaan in ay gudaha u galaan dalka Kenya taasina ay ku qasabtay in ay adkeyso amaanka xadka u dhaxeeya Mandheera iyo Balad Xaawo.


Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”