Page 1 of 1

Ciidamada Xooga Dalka oo gaarey degmada Guriceel

Posted: Sun Mar 06, 2011 6:53 am
by Talo alle udaa
Ciidamada Itoobiya oo la wareegay gacan ku heynta magaalada Guriceel.
Print here| By: allgedo.com: Sunday, March 6, 2011 // u Jawaab

Related ArticlesBoqolaal katirsan ciidamada Itoobiya ayaa goordhaw soo galay magaalada Guriceel ee Gobolka G/gaduud oo sanadadii lasoo dhaafay ay ka talinayeen Ururka Ahlusuna.
Goob jooge ku sugan magaalada Guriceel ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya oo watay gaadiidka xamuulka ee Uuraalada loo yaqaan ay gudaha usoo galeen degmada waxeyna degeen duleedka iyo gudaha magaalada.

Ciidanka galay magaalada Guriceel ayaa lagu qiyaasay ilaa iyo 850 Askari oo u dhigma Hal guuto oo ciidan ah waxaana lafilayaa in ay magaalada sii joogaan.
Maleeshiyaad taabacsanaa Ururka Ahlusuna oo magaalada ku sugnaa ayaa loo diray dhanka Dhagaxyaale oo ay isku hor fadhiyaan xarakada Shabaab iyo kuwa Ahlusuna.

Gebi ahaanba waxaa albaabada loo laabay ganacsigii magaalada waxeyna dadku u dheg taagayaan isbedelka ku yimid gacan ku heynta magaalada.

Ciidanka oo shalay gelinkii dambe gaaray duleedka degmada Guriceel ayaa saaka gudaha usoo galay magaalada waxeyna wadaan baaritaano ay ku sameynayaan xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta, waxaa socda dhaq dhaqaaqyo ay ciidamada Itoobiya ku abaabulayaan Maleeshiyaad dhawaan Tababaro kusoo qaatay dhulka Soomaalida ee Itoobiya maamusho.

Source: Allgedo.com

Re: Ciidamada Xooga Dalka oo gaarey degmada Guriceel

Posted: Sun Mar 06, 2011 7:02 am
by AhlulbaytSoldier
Hopefully both groups will be destroyed together.
Nothing is better than when shabaabul murtaddiin flees from saliibiyeenta ethiopia, yet against somali soldiers they fight till death or victory.

Re: Ciidamada Xooga Dalka oo gaarey degmada Guriceel

Posted: Sun Mar 06, 2011 8:48 am
by pmfaraajo
allgedo ? please.. Fuck that ilko..mr sheego website. :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: :lost: