Xaasado dagaal oo ka taagan Luuq iyo Garbahaareey
Posted: Sun Mar 06, 2011 7:33 am
Luuq: (Sh. M. Network) Waxaa xiisado kacsanaan ah laga dareemayaa degmooyinka Luuq iyo Garbahaareey oo ka tirsan gobolka Gedo halkaasi oo ay isku hayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab.
Iyadoo maanta ay degantahay xaaladda degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, ayaa hadana wararka laga helayo degmooyin ka mid ah gobolkaasi waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gacanta ku haya degmadaasi ay u jihayteen degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo.
Sida ay Shabelle u sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Baladxaawo, qaar ka mid ah ciidamada dowladda ayaa u ruqaansadaday degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka mid tahay degmooyinka Luuq iyo Garbahaareey halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xarakada Al Shabaab.
Wararka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in degmooyinka Luuq iyo Garbahaareey ay ka jiraan diyaar garow ay samaynayaan ciidamada Xarakada Shabaab, waxaana dhaq dhaqaaqa xoogan ay ka jirtaa degmada Luuq oo ah degmo u dhow magaalada Baladxaawo.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ka gaareen qabsashadii magaalada Baladxaawo inkastoo Saraakiil iyana ka tirsan Shabaab ay caedeeyeen in xeelado dagaal ay kaga baxeen magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.