Full Info about Gedo situation- Warbixin

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Full Info about Gedo situation- Warbixin

Post by XimanJaale »

Maqaalkeena todobaadlaha ahaa ee aan u bixinay Diirada Kismaayo24.com ayaa waxaan ku soo qaadan doonaa todobaadkan dagaal lagu riiqmay oo maalmo socday kana socday Magaallada Baled-Xaawo ayaa waxaa uu ugu danbeyn maanta waxaa lagu kala baxay magaalladaasi,waxaana gacanta ku dhigay xoogaga Dowlada iyo Maamulka Ahlusuna Waljameeca.


Magaallada Balex-Xaawo oo ku taalada xududa Somalia iyo Kenya isla markaana baryahan ay kasocdaan Dagaalka loogu loolamayey cida gacanta ku heyneysay magaalladaasi ayaa waxaa uu u dhexeeyey Ciidanka Dowlada iyo Ahlusuna oo isku dhinac ah,Halka Al-shabaab oo magaallada gacanta horey ugu heysay ay aheyd dhinaca kale ee dagaalka lagu hayey si loogala wareego magaallada dhaxalka u heshay in had iyo jeer lagu dagaalamo ee Baled-Xaawo.


Dagaalka saaka ayaa ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyey,waxaana uu ka duwanaa sidii hore,iyadoo ay ciidanka Dowlada iyo Ahlusuna isku qeybiyeen sadex jiho inay kasoo weeraraan magaallada,kuwaasi oo kala ah ,Dhanka Ceel-waaq oo ay kasoo weerareen Ciidankii mudooyinkan lagu soo tababarayey Magaallada Siyaloow ee Dalka Kenya,dhinaca Doolow iyo Mandheerana waxaa si wada jir ah uga soo weeraray Ciidanka Ahlusuna iyo Dowlada,kuwaasi oo uu hogaaminayey Col,Barre Aden Shire “ Hiiraale” iyo Maxamed Aw-libaax oo ah Guddoomiye ku xigeenka Ahlusuna Waljameeca.


Dagaalka ayaa aroortii hore waxaa la isku dhigay jilibka,iyadoo cid waliba wixii ay awoodo ay sameysay,waxaana dhamaan la isku furay wixii hubka ee la heystay,waxaana marka laga soo tago ciidamada Somalida ee Ahlusuna iyo Dowlada ,waxaa iyagana Magaallada Suufka oo xadka ku taal Madaacfiic kasoo ridayey Ciidanka Dowlada Itoobiya,kuwaasi oo aan maanta marna lagu dhex arag gudaha Magaallada xitaa markii laga saaray kooxda Al-Shabaab.



Laakiin Ciidanka Al-Shabaab oo u muuqday ciidan aan tabar u heyn inay iska caabiyaan awooda wajiyada badan kasoo galay Magaallada ayaa waxay bilaabeen inay Magaallada isaga baxaan,waxaana ay bilaabeen inay wado ka furtaan dhanka Wada aada dhinaca Degmada Garbohaareey,laakiin taasi waxaa u diiday oo mudo dagaal la hortaagnaa Ciidan kale oo la sheegay in loo qorsheeyey wax lagu sheegay dhabar jabinta xiliga ay al-Shabaab magaallada isaga baxaan,waxaana ugu danbeyntii u suurtowday inay isaga baxaan magaallada oo dhan.


Waxaana markiiba ay ciidanka iskula soo baxeen banaanka magallada,iyaddoo la sii baacsaday ciidankii Kooxda Al-Shabaab,waxaana dadkii mar kaliya kasii yaraatay inay maqlaan dhawaq xabad danbe oo magaallada ka dhacda,maadaama howshii dagaalka halkaasi kusoo afmeerantay oo qolo loo xoog sheegtay.


Maxamed Awlibaax oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Ahlusunada guud ee Dalka Somalia oo dhan isla markaana maanta ka mid ahaa Madaxdii horgaamineysay dagaalka Al-Shabaab dagaalka looga saaray ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay inay maanta magaallada gacanta ku hayaan,waxaana uu intaasi ku daray inaysan kusoo hakan doonin Baled-Xaawo oo kaliyee oo ay sidoo kale tagi doonan Magaallooyinka kale ee Gobolka Gedo.


Sidoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri : “ Maanta dagaalkii dhacay waxa uu astaan u yahay inay soo dhaceyso Bishii Al-shabaab ee Gobolada Dalka Somalia,gaar ahaan Gobolada Jubbooyinka,waxaana Baled-Xaawo saaka ka dilaacay nasrigii ilaahay ,maadaama laga saaray magaallada dadkii ahaa Nabad-diidka,waxaana sidoo kale naga filataan waa inagoo ka xoreena Somalia oo dhan Nabad-diidka la baxay Al-Shabaab ee diinta iyo Dadka Somaliyeedba ka been sheegay” ayuu si ay ka muuqato hadal siyasaasadeed ku yiri Guddoomiye ku xigeenka Ahlusuna Waljamaceeda Maxamed Awlibaax.


Dhinaca Afhayeenka Ahlusunada Maanta dagaalka Balex-Xaawo ka qeybqaadatay ayaa waxaa uu BBC qeybta Af-Somaliga waxa uu u sheegay inay dagaalkii maanta ku qabteen 48 dhalinyaro u dhexeysa 13 ilaa 25 ,kuwaasi oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen Kooxda loo awood sheegtay ee Al-Shabaan,laakiin ma sheegin waxa ay ku sameyn doonaan,waxaana uu dhinaca kale hangool dheer isaga fogeeyey inay dad u dhashay Wadanka Kenya oo dagaalkaasi ka qeybqaatay.


Shariif Abdiwaxid waxaa uu sheegay inuu Dagaalkii maanta uga dhinteen 4 Askartooda ah,laakiin lama yaqaan inay afartaasi wada yihiin Dowlada iyo Ahlusuna,waxaana uu ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto tirade ay Al-Shabaab dagaalkaasi uga dileen,waxaana uu sheegay inay taasi baaritaan ku wadaan.


Dagaalka guud ahaan tiisa ayaa wararka la helayo sheegayaan inay ku dhinteen 19 qof,kuwaasi oo sadex ka mid ah ay yihiin shacabka ,halka inta kale ay yihiin dhinacyadii dagaalamayey,waxaana dhaawaca iyagana lagu sheegay inay kor u dhaafayaan 36 isugu jira ciidankii dagaalamay iyo shacabkii lagu dul-diriray ee Baled-xaawo deganaa.



Waxaa dagaalkasi Al-Shabaab looga qabsaday 10 gawaarida dagaalka ah,waxaana ay la baxsadeen oo ay Garbahaareey ku tageen 4 Gawaarida dagaalka ah,kuwaasi oo si dirqi ah uga dhexbaxay ciidankii dhabar jabinta ku ahaa.



Hadaba,Xagee hada ay kala joogaan Ciidamada Huwanta iyo Kooxda Al-Shabaab???


Sida ay sheegayaan wararka xarunta Kismaayo24.com ee Gobolka Gedo waxaa ay ciidankii Huwanta gaareen deegaanka lagu magacaabo Cara-Case,waxaana ay halkaasi ka wadaan diyaar garow la sheegay inay ku qorsheynayaan inay weerar kale inay ku ekeeyaan Magaallooyin kala ah Gedo iyo Jubbooyinka.


Waxaana Ciidankan oo kala ah kuwo lagu soo tababaray Dalalka Kenya iyo Itoobiya isla markaana taageero ciidan ka helayo dowladahaasi,waxaa qorshahoodu yahay inay badi gacanta ku dhigaan koonfurta Somaliya,gaar ahaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo,waxaana horboodaya Saraakiil Ciidan iyo Hogaamiyayaal Diimeed ka socda dhinaca Ahlusuna.


Sarkaal lagu magaabo Shakiib Hoohar kana tirsan madaxda Ciidanka Dowlada ee maanta qabsaday Baled-Xaawo ayaa isagana mar uu la hadlayey Kismaayo24.com,waxaa uu sheegay inay howlgalkoodan ay saaka ku qabsadeen magaaladaasi uu ka dhigan yahay mid aan halkaasi ku joogsan doonin.


Waxaana dhinaca kale uu Shakiib ku goodiyey inay gacanta Dowlada kusoo celin doonan Gobolada Dalka Somalia,gaar ahaan Jubbooyinka iyo Gedo,waxaana uu sheegay inay ciidankooda ay wali daba socdaan,wax uu ku sheegay firxadkii Al-Shabaab.


Dhinaca kale Ciidanka Al-Shabaab oo si weyn u hubeysan ayaa lagu arkayaa ilaa maanta iyo Caawa gudaha magaallada Garbahaareey,waxaana ay difaac ay ka galeen bananka hore ee magaallada,waxaana dhinaca kale ay sheegayaan wararka dadka deegaanka inay al-shabaab ka sugayaan gurmad uga yimaada dhinaca kismaayo.


Mas’uulkii dhawaan ay Al-Shabaab usoo magacaabeen Gobolkaasi ayaa isagana waxaa wararka ay sheegayan inuu Gobolka isaga baxay,waxaana ilaa hada cadeen meel uu jaaan iyo cirib dhigay,waxayse u badan tahay inuu wajiga saaray dhinaca Magaallada Baydhabo.



Baled-Xaawo iyo sida ay hada tahay,dagaal dheer kadib:-


Magaallada waxaa soo gaaray burbur badan,waxaa shaki kaa gelayaa inay meeshan sii ahaan karto magaalo iyo in kale,waxaa adeg sida aad u filan karto inay magaalada usoo dhisanto,waxaa dhulka lala simay wixii dhisme ku yaalay magaalada.


Waxaa istagay dhaqdhaqaaqii ganacsiga,waxaana indhahaagu ku yaraanaya inaad aragto dadweynihii ay magaallada la ciirciiri jirtay ka hor dagaalka,waxaana mararka qaar hawada ka baxaya qadka isgaarsiinta.


Wadooyinka waxaa daadsan fooqaqa rasaastii la isku adeegsaday,waxaa kaloo arkeysaa baabuur laga gubay Al-Shabaab,waxaa ku indho naxeysaa dhiiga oo meelo badan oo magaallada ah daadsan.


Dadkii badnaa,waxaa badalay Ciidan badan oo hubeysan,oo ay ka muuqato diifta duurkii ay mudada ku jireen,waxaad kaloo arkeysaa Baaburta dagaalka oo aan magaalada dhinac uga baxeyn oo wadooyinka si xowli leh ku dhex maraya,waxaa sidoo kale magaallada ka bilowday baaritaan cidkasta oo joogta si loo kala garto shacabka iyo Ciidanka Al-Shabaab ee baxsan waayey ee magaallada dhinaca ka jooga.


Ugu danbeyntii caawa magaallada Baled-xaawo waxa ay ku seexatay xabad la’aan iyo dagaalkii oo uga sii gudbay magaalooyinka kale ee Gobolka Gedo,waxaana la saadaalin Karin meesha xigta ee uu dagaalka ka qarxi karo marka la fiiriyo Gobolka Gedo iyo inay kusoo laaban karto isla magaalladan Baled-Xaawo oo dadka faaleeya Gobolkaasi ay sheegeen inay tahay Muqdishada Gobolka Gedo,marka loo fiiriyo sida ay ugu nugushahay dagaalka aan dhamaadka laheyn.


Waxaana kusoo xirayaa Maqaalkeena Tododbaadkan ee Diirada Kismaayo24.com waxaa isheydu qabatay ,Ciwaan loo qoray sidan Al-Shabaab oo Baled-xaawo uga baxday Xeelad dagaal,taasi oo aan filayo inay tahay mid ka fog xaqiiqda wixii saaka meesha ka dhacay,waxaana anigana Ciwaanka Maqaalkeena Todobaadkan siiyey “ AL-SHABAAB XEELAD DAGAAL UGAMA BIXIN BALED-XAAWEE,WAXAA LOOGA SAARAY XABADA KASOO DHACEYSA HUBKA AY WATAAN CIIDAMADA HUWANTA EE DOWLADA IYO AHLUSUNA”



Diirada Kismaayo24.com
Xarunta Gobolka Gedo,Somalia
User avatar
Shirib
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 26911
Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
Location: May God grant us victory.

Re: Full Info about Gedo situation- Warbixin

Post by Shirib »

who is Shariif Abdiwaxid?
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Full Info about Gedo situation- Warbixin

Post by XimanJaale »

Shirib wrote:who is Shariif Abdiwaxid?
Spokesman for Ahlu Sade. He is Reer Ahmed, his sub-clan is Reer Samatar. Why do u wanted know?
User avatar
Archerr
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1242
Joined: Fri Feb 25, 2011 2:51 pm
Location: I think you are standing under me If you don't under-stand me.

Re: Full Info about Gedo situation- Warbixin

Post by Archerr »

He is actually Asharaaf. :lol: :lol: That is the Shariif guy I was talking about yesterday. This guy I know knows him personally. Waa Suufi lunatic.
haxxor
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 973
Joined: Thu Oct 28, 2010 2:48 pm

Re: Full Info about Gedo situation- Warbixin

Post by haxxor »

It's not full info unless it's in English.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Full Info about Gedo situation- Warbixin

Post by XimanJaale »

Archerr wrote:He is actually Asharaaf. :lol: :lol: That is the Shariif guy I was talking about yesterday. This guy I know knows him personally. Waa Suufi lunatic.
actually ahlu sade leader is reer ahmed sub clan reer samatar. The spokesman is reer hassan :!: Never did i see or heard about raxanweyne being part of ahlu sunnah in this case ahlu sade unless ur confusing urself with the spokesman of TFG in Yeed.
User avatar
Shirib
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 26911
Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
Location: May God grant us victory.

Re: Full Info about Gedo situation- Warbixin

Post by Shirib »

XimanJaale wrote:
Shirib wrote:who is Shariif Abdiwaxid?
Spokesman for Ahlu Sade. He is Reer Ahmed, his sub-clan is Reer Samatar. Why do u wanted know?
there's a rahanweyn guy I remember who's last name was Shariif Adan, wasn't sure if it was the same guy or not
User avatar
ibrahimcw
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1324
Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys

Re: Full Info about Gedo situation- Warbixin

Post by ibrahimcw »

shirib is eelay is cay why are you saying raxanweyn ? your eelay and be proud. my aunt use to call me that when she was angry with me, i never understood what it meant, i always assumed she was cursing me until i found out its a tribe called eelay. :lol:
User avatar
Shirib
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 26911
Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
Location: May God grant us victory.

Re: Full Info about Gedo situation- Warbixin

Post by Shirib »

ibrahimcw wrote:shirib is eelay is cay why are you saying raxanweyn ? your eelay and be proud. my aunt use to call me that when she was angry with me, i never understood what it meant, i always assumed she was cursing me until i found out its a tribe called eelay. :lol:
Eelaay is a subclan, and Rahanweyn is the larger clan. I'm not Eelaay, technically I'm not even Rahanweyn
union
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9071
Joined: Sat Oct 31, 2009 8:02 pm

Re: Full Info about Gedo situation- Warbixin

Post by union »

TFG prevails. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”