boorama iyo laascaanood banaanbaxyadii abid ugu darnaa

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Bicir100
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 324
Joined: Fri Mar 06, 2009 10:56 am

boorama iyo laascaanood banaanbaxyadii abid ugu darnaa

Post by Bicir100 »

Borama-(Bnn)Banaanbax rabshado iyo Qas wata ayaa goor dhawayd ka bilowday Magaalada Borama, Banaanbaxan ayaa waxaa soo agaasimay Hiliblayaasha Nafaqo, iyada oo labadii cisho ee ugu danbeeyay meelihii ay wax ku iibinayeen iyo wax ku qaleyeen gabi ahaantood laga joojiyay, Ciidanka amaankana la dul dhigay.

Banaanbaxan ayaa la isku adeegsanayaa Dhagxaan , Budad Iyo rasaas nool nool oo korka loo ridayo, waxa uuna iminka ka socda Afarata Xaafadood ee Magaalada iyo suuqyada waawayn ee dhex mara xaafadaha.
Banaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqaya Duqa Magaalada Borama ha dhaco , dooni mayno iyo ereyo kale oo ku lidi ah Maamulka Gobolka iyo kan dhexeba.

Banaanbaxayaasha ayaa iminka laga hor taagan yahay in gaadhaan Xarumaha Maamulka Degmada Iyo gobolka, halkaas oo ciidanka Militiriga iyo kuwa booliska oo is kaashanaya ay halkaas heegan culus kaga jiraan.

ilaa iminka ma jirto wax khasaare ah, oo ay gasteen Shaqaaqadani maanta ka oo cusboonaatay Magaalada Borama.

Wixii warar ah ee arinkaas ka soo kordha kala soco Shabakadan Caalamiga ah Ee Boramanews

Reporter:Jaabir Ali Omer

Borama/Office/Somaliland

boramanews@gmail.comThis e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Mudaharaad dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay magaaladda Laascaanood kaasi oo qasaare geystey

Mudaharaadkan ayaa ahaa mid si lama filaan ah ku bilaabmay kadib markii qaar ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka la baxay Somaliland ay shir qarsoodiya la yeesheen rag la sheegay inay jawaab kaafisa ka bixinayaan maamulkaas oo ku wajahan baaq nabadeed horey cuqaal iyo waxgarba u qaadaceen
Ciidanka Booliska ayaa waxa ay soo weerareen dadkii banaanbaxa samaynayey iyagoo rasaas xoogleh oo gawaadhida gaashaaman wata ayay isku dayeen inay kala diraan, iyadoo dadkiina ay markaa bilaabeen inay weerar ku qaadaan halkii madaxdu ku jirtey.

Waqtigaa intii ka danbeeyey waxaa bilaabmay dagaalkii ugu xumaa ee dad shacab ah lagu qaado marka laga reebo kii Kalshaale, waxaana baabuur la jiidhsiiyey dadkii mudaharaadka wadey waxaana halkaasi ku dhintay hal qof dhawr qofoo kalena waxaa ku dhaawacmeen.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”