Laascaano:(Allpuntland)-Waxaa imika oo saacada Soomaaliya ay Todobadii Fiidnimo dhaaftay ilaa saaka Waaberigii Magaalada Laascaanood ee caasimada gobolka Sool harqiyey banaanbaxyo rabshado wata oo ay kumanaan shacabka reer Laascaano ahi dhigayeen kuwaas oo looga soo horjeedo Maamulka Somaliland gaar ahaana Sirdoon shisheeye oo aan weli wadamada ay u dhasheen la xaqiijin kuwaas oo ay Somaliland maalmihii lasoo dhaafay geynaysay magaaladaas.
Banaanbaxyada oo aanan ilaa & imika kala joogsani waxay wararkii u danbeeyey ee laga helayo hoosta ka xariiqayaan in ay shacabku wadaan kacdoon u eg inuu yahay kii ugu cuslaa ee abid Magaaladaas ka dhaca,waxaana ay dadweyne aad u farabadan oo lugaynaya xireen dhamaan goobaha ganacsiga,xarumaha dawlada & meelo kale kuwaas oo ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin tilaabooyinka Somaliland oo ay u danbeeyeen sirdoonkan shisheeye.
Wararka ay APL Caawa Laascaano ka helayso ayaa hoosta ka xariiqaya in midkamid ah gaadiidka ciidanka ee Somaliland uu galabta si kas ah loo marsiiyey qaarkamid ah banaanbaxayaashii,waxaana ay wararku intaas kudarayaan in qof haweenay ah & Dhowr Caruur ahi ay weerarka gaariga ku dhaawacmeen islamarkaasna dhaawacyada qaarkood ay xaaladoodu culustahay.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in gawaari xamuul ah oo ay Somaliland wadatay Raaf ahaan u qaaday In kabadan 200 oo Ruux kuwaas oo kamid ahaa banaanbaxayaashii kuwaas oo qaarkood la geeyey saldhiga & xabsiga Boosaaso halka kuwo kalena aan la xaqiijin ilaa & imika meesha lala aaday,waxaana ay taasi uga sii dartay xaaladii banaanbaxayaasha oo kacdoon horleh kasii qaaday islamarkaasna weli Fikradooda Muujinaya.
Midkamid ah Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Laascaano ayaa APL u sheegey in ay Somaliland ka hor istaagtay faafinta wararka Banaanbaxyadan Balaaran,wuxuuna Wariyahan oo xaalad amaan darteed magaciisa ka gaabsaday APL u xaqiijiyey in qaarkamid ah Kaamiradihii & Rikooradii ay ku howlgalayeen si kas ah ciidanka Somaliland u burbursheen islamarkaasna ay mamnuuceen in wax laga duubo Banaanbaxyadan rabshadaha wata.
Xaalada Laascaanood ayaa caawa kacsan,waxaana la dareemayaa in ay marba marka kasii danabaysa shacabku soo badanayaan,waxaana jira ciidamo badan oo ay Somaliland ilaa galabta kusoo daabulaysay gudaha Magaalada kuwaas oo ay kujiraan kuwii dhawaan la geeyey duleedka Laascaanood si ay ciidanka Puntland oo magaalada waxyara u jira isaga difaacaan.
Wixii kasoo kordha Xaalka laascaanood APL Kalasoco.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
Lascanod:Banaanbaxyo looga soo horjeedo oo Somaliland
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Lascanod:Banaanbaxyo looga soo horjeedo oo Somaliland
man you are fast
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Lascanod:Banaanbaxyo looga soo horjeedo oo Somaliland
iknow thatBicir100 wrote:man you are fast

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 344 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 6 Replies
- 667 Views
-
Last post by EastAfrica
-
- 42 Replies
- 2133 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 14 Replies
- 863 Views
-
Last post by TAATIKO
-
- 0 Replies
- 295 Views
-
Last post by Lacageylacag
-
- 0 Replies
- 206 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 10 Replies
- 899 Views
-
Last post by Geeljire252
-
- 1 Replies
- 434 Views
-
Last post by BABYGIRL123
-
- 1 Replies
- 399 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 31 Replies
- 2000 Views
-
Last post by Aliyah99