Page 1 of 1

W.arimaha gudaha Puntland Booqday Xarumaha Dawladda Badhan

Posted: Sun Mar 06, 2011 3:40 pm
by FBISOMALIA
Wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladdaha Hoose ee Dawladda Puntland oo maalmahaan isaga iyo wefdi kale booqasho ku jooga gobolka Sanaag ayaa booqasho ku tegay xarumaha Dawladda ee degmada Baran.

Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa kormeer ku sameeyey Xerada Ciidamada Daraawiishta gobolka Sanaag,Taliska qaybta ee gobolka iyo xarumo kale.

Wuxuu ugu horeyn warbixin xerada Daraawiishta Ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee gobolka Sanaag Cabdullaahi Cumar Canshuur,wuxuuna sheegay in dib u habeyn loo baahan yahay in lagu sameeyo Ciidanka halkaas ku sugan.

Sidoo kale wuxuu xarunta Taliska qaybta kula kulmay Saraakiisha Booliska oo ka warbixiyey xaaladdaha Ciidamada Booliska iyo baahiyaha ay qabaan xilligaan in ay helaan.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa ugu dambeyntii yimid xarunta gobolka halkaas uu kulan kula qaatay Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur ”Dabayl”.

Gudoomiyaha ayaa warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda gobolka siiyey Wasiirka,wuxuuna ka warbixiyey dhanka nabadgalyada iyo abaaraha ka taagan dhamaan degmooyinka gobolka.

Waa booqashadii u horeysay uu Wasiirku ku tego xarumaha Dawladda ee degmada Baran tan iyo markii uu dhowaan halkaas gaarey isaga iyo wefdi Wasiiro ah uu hogaaminaayo.

Horseed Media

Re: W.arimaha gudaha Puntland Booqday Xarumaha Dawladda Badh

Posted: Mon Mar 07, 2011 3:01 pm
by damu
Badhan-(MMedia)- Wafdigii uu Hogaaminayay wasiirka arimaha Gudaha puntland C/laahi Axmed jama ilka jiir ayaa maanta Booqday Xarumaha Caafimaadka sida dhakhtarka wayn ee magalaada badhan iyo MCH ka magalada waxaana ay boqashadaasi iyo kormaaerkasiba waxaa ku wehelinayay dhakhtarka magaalada Badhan Dr Ciise Axmed Taajir iyo xubnaha dhakhtarka.

waxa uu booqday wasiirka iyo wafdigii gabi ahaanba dhakhtarka isagoo hadba meel booqnayay waxaan uu soo wada maray bukaankii jiifay dhakhtarka waxaana uu gabi ahaanba waraysatay o xaladooda wax ka waydiiyay dadka bukaanka ah ee goobta jiifay .

kadib waxaa uu booqday goobaha looga shaqeeyo cusbutaalka waxaan uu galay qol qol isagoo sheegay in uu cisbitaalku u baahan yahay wax qabad taasina ay tahay mid idinka laydinka baahan yahay hadii aad tihiin maamulka cisbtaalka waxaan uu sheegay in dadka bukaanka ee yaala meesha ay yihiin dad u baahan dawayn .

wasiirku waxa uu intaasi ku daray in dhaktarkani yahay mid laf dhabar u ah bulshada Reer Sanaag loona baahan yahay in laga Faaiidaysto waxa kaloo oo Wasiirku ugu Baaqay dhamaan qurba joogta debadahu inay gacan ka gaystaan Cisbitaalka oo ah mid mar walba u baahan in la joogteeyo sidii wax looga gaysan lahaa

Hadaba waftigan oo ku sugan hada Magaalada Badhan ayaa u kuu gelaya dhamaan Xarumaha kala duwan ee Degmada intaa lagu dhawaaqin Golaha Deegaanka ee degmada si marka la doorto golaha deegaanka loogu wareejiyo howlaha u baahan inay wax ka qabtaan

Maakhir Media Badhan


Image

Image

Image

Image