W.arimaha gudaha Puntland Booqday Xarumaha Dawladda Badhan

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

W.arimaha gudaha Puntland Booqday Xarumaha Dawladda Badhan

Post by FBISOMALIA »

Wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladdaha Hoose ee Dawladda Puntland oo maalmahaan isaga iyo wefdi kale booqasho ku jooga gobolka Sanaag ayaa booqasho ku tegay xarumaha Dawladda ee degmada Baran.

Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa kormeer ku sameeyey Xerada Ciidamada Daraawiishta gobolka Sanaag,Taliska qaybta ee gobolka iyo xarumo kale.

Wuxuu ugu horeyn warbixin xerada Daraawiishta Ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee gobolka Sanaag Cabdullaahi Cumar Canshuur,wuxuuna sheegay in dib u habeyn loo baahan yahay in lagu sameeyo Ciidanka halkaas ku sugan.

Sidoo kale wuxuu xarunta Taliska qaybta kula kulmay Saraakiisha Booliska oo ka warbixiyey xaaladdaha Ciidamada Booliska iyo baahiyaha ay qabaan xilligaan in ay helaan.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa ugu dambeyntii yimid xarunta gobolka halkaas uu kulan kula qaatay Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur ”Dabayl”.

Gudoomiyaha ayaa warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda gobolka siiyey Wasiirka,wuxuuna ka warbixiyey dhanka nabadgalyada iyo abaaraha ka taagan dhamaan degmooyinka gobolka.

Waa booqashadii u horeysay uu Wasiirku ku tego xarumaha Dawladda ee degmada Baran tan iyo markii uu dhowaan halkaas gaarey isaga iyo wefdi Wasiiro ah uu hogaaminaayo.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”