Ahlu Suna repairing the houses and moving people back

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Ahlu Suna repairing the houses and moving people back

Post by CoolPoisons »

yadoo dhawaan Ciidamada ahlu sunna wal jamaaca ay la wareegeen magaalada Beled Xaawo ayaa hadana waxaa halkaa ka soconaya dhaq dhaqaaqyo loogu magic daray dib u dejinta Dadkii hore halkaa uga bara kacay.

Maxamed Xasan Al Qaadi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ahlu sunna wal jamaaca oo xalay dhinaca khadadka shir jaraa;id ugu qabtay Idaacadaha Gudaha ayaa ka war bixiyay xaaladda iminka halkaa ka jirta.

Sarkaalkan ayaa sheegey in iminka magaaladu aad u deggan tahay isla markaana aysan ka jirin wax dagaalo ah isagoona ugu baaqay dadkii hore uga baxay magaaladaas in ay dib ugu soo laabtaan maadaama ay haatan xaaladu tahay mid deggan.

Al qaaddi ayaa intaa raaciyay inay balan qaadayaan in dagaal danbe uusan dib uga dhici doonaan magaalada beled xaawo isla markaana ay dammaanad qaadayan sugidda amniga dadka iyo hantidooda.

Sarklaakan ayaa ka hadlay sidoo kale dagaaladii dhawaan ay halkaa kula galeen Xarakada shabaabul mujaahiddiin isagoona sheegey in dagaalkaasi uu ahaa mid qorsheysan isla markaana dhinicii ka soo hor jeeday ay ugu gaysteen khasaare aysan ka soo waaqsan waa siduu hadalka u yiriye.

Al qaaddi ayaa sheegey in iminka ay ka shaqaynayaan ama ay bilaabayaan sidii dadkii hore halkaa isaga baxay ay u dejin lahaayeen isla markaana uga shaqayn lahaayeen sidii dib u dhis looga samayn lahaa magaalada oo qaybo ka mid ahi Dagaaladii ay ku bur bureen.


Maxamed Xasan Al qaadi ayaa sheegey in dhinicii ka soo hor jeeday ay ka dileen waa siduu hadalka u yiriye illaa 102 oo ay ku jireen illaa shan iyo Toban ajnabi ah.

Saeraalkan ayaa saxaafadda u balan qaaday in ay u soo ban dhigayaan Meeydadka ay ka dileen kuwii ka soo hor jeeday isagoona intaa raaciyay in ay gacanta ku hayaan Dukumintiyada qaar ka mid ah ajanbigii ay dagaalkaa ku dileen.

Ugu danabyntii ayuu sarkalakn ka tirsan ahlu sunna ku nuux nuuxsaday in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada xarakada shabaabul mujaahddiin isla markaana ay ka xoreyn doonaan Gobolada weli gacantooda ku harsan.

Si kasta ha ahaatee Ciidamada ahlu sunna wal jamaaca iyo kuwa dawladda oo isku dhinac ah ayaa magaalada iminka si buuxda gacanta ugu haya iyadoona dadkii deganaa magaalada beled Xaawo ay hore isaga bara kaceen kuwaasoo qaarkood ay gaareen Xeryaha Qaxootiga Kiinya iyadoona la is weeydiinayo sida ay suurta gal u tahay xiliga dhow in dadkii halkaa ka baxay dib ugu soo noqdaan degmada beled Xaawo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”