"Shabaab waxay marayaan marxaladii u dambeysay iyagoo dad waayeel ah iyo caruur si khasab ah dagaalada u soo gelinaya" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo sheegay in ururka Al-Shabaab uusan u naxeynin shacabka rayidka ah, isagoo sheegay in hoobiye ay soo tuureen oo ku dhacay degmada Waaberi uu ku habsaday guri ay degan yihiin dad rayid ah, halkaasina uu sheegay in dhibaato isugu jirta dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qoysaskaasi.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG ah ayaa ku ammaanay ciidamada Dowladda iyo AMISOM guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ay la galeen xarakada Al-Shabaab isla markaana horay ugu durkeen aagaggii ay ku sugnaayeen.
"Dowladda KMG ah waxay ballanqaadeysaa wiilkii ka soo goosta Shabaab 100$ mushaar ayaa la siinayaa bil kasta" ayuu yiri C/Xakiim Xaaji Maxamuud (Fiqi) oo ku booriyay dhallinyaro uu sheegay inay marin habaabiyeen kooxda Al-Shabaab ay isaga soo baxaan oo dhinaca dowladda u soo wareegaan muddo 30-maalmood ku siman.
Dhallinyarada Al-Shabaab ay u adeegsadaan dagaalada iyo inay askareeyaan, ayuu Wasiirku ugu baaqay waalidiinta dhallinyaradaasi inay caruurtooda ka ceshadaan Al-Shabaab, isagoo sheegay in maalmahaan ay si khasab ah uga kaxeystaan dhallinyarada ku nool degaanada ay weli ku sugan yihiin, hase yeeshee Md. Fiqi ayaa sheegay in dhallinyaradaasi ay Dowladda u sameyneyso mashruucyo kala duwan oo mustaqbalkooda lagu horumarinayo
