Ciidamada qalabka sida oo ku dhaqaaqey Ceelbuur!
Posted: Mon Mar 07, 2011 8:30 am
Dhuusamareeb: (Sh. M. Network) Ciidamo Ethiopian ah oo ay wehlinayaan kuwa Soomaali ah oo lagu soo tababaray dalka Ethiopia ayaa maanta fariisimo ka sameystay deegaano u dhow degmada Ceelbuur oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Al Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud subaxnimadii hore ee saakay ayaa degmadaasi waxaa ka dhaqaaqay qaar ka mid ah ciidamadii Ethiopianka ee halkaasi kusugnaa oo ay wehlinayaan ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna oo dhawaan tababar ku soo dhameystay Ethiopia, waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay fariisimo ka sameysteen deegaano aad ugu dhow degmada Ceelbuur.
Deegaanada ay fariisimaha ka sameysteen ciidamada Ethiopianka iyo kuwa Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Beerxuuteeye oo 60 km u jira degmada Ceelbuur una dhaxeeya degmada Dhuusamareeb iyo deegaanka Bulacle, iyadoo deegaanka Bulaclana la sheegay in ay isku faafiyeen, waxaana la sheegay in xiisado iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga deraamayo inta u dhaxeysa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.
Sidoo kale wararka laga helayo degmada Ceelbuur ee gobolak Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi iyana dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka bilaabeen ciidamada Xarakada Al Shabaab, waxaana maanta si weyn looga hadal hayay degmadaasi Ceelbuur ciidamada Ethiopia ee u soo dhawaaday magaaladaasi.
Lama oga in ciidamadaani Ethiopianka ay ku sii faafi doonaan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud hase ahaatee masuuliyiinta ahlu Sunna Waljamaaca ayaa horay ugu hanjabay in ay weerar ku qaadi doonaan degmada Ceelbuur oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net