Degmada Garbohaareey Ee Xarunta Gobolka Gedo Oo Gacanta U Gashay Ciidamada Dawladda Iyo Kuwa Ahlu Sunna Oo Isku Jaal Ah
2011-03-07 11:59:37] Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna oo ay isku jaalka yihiin ayaa maanta galinkii hore gacanta ku dhigay magaalo madaxda Gobolka Gedo ee Garbohaareey, ka dib markii ay ciidamadii Al Shabaab ee degmooyinka gobolka Gedo isugu urureen degmada Baardheere.
Magaalada Garbohaareey iyo Luuq ayay ciidamada dawladda taabacsani la wareegeen ayagoo aan wax iska caabin ah la kulmin. Ciidamadaasi oo aad u hubaysan ayaa iminka la sheegay in ay u ruqaansadeen dhinaca wadada Baardheere ayagoo ka soo kala baxa dhinaca Luuq iyo dhinaca Garbohaarey.
Degmada Baardheere ayaa xarakada Al Shabaab waxay isugu geeyeen ciidamadoodii iyo dhaawac badan oo dagaalkii Beledxaaw ah. Lamana saadaalin karo meesha ay ku danbayn doonto gacan ku haynta degmada muhiimka ah ee Baardheere.
Dhanka kalena wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo laga dareemayo xaalad colaadeed oo aan muddooyinkaan lagu arag magaalada Kismooyo, mana jiraan wax gurmad ah oo ilaa hadda maamulka al shabaab ee Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ay u soo direen dagaallada ka socda gobolka Gedo.
Allwariye Media Online
Warka hel, inta aan hortaa la helin!!!
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... hp?id=6506
Breaking news Garbaharey has fallen
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 1597 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 14 Replies
- 1224 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 25 Replies
- 2095 Views
-
Last post by LAFO-LAFO
-
- 7 Replies
- 961 Views
-
Last post by Archerr
-
- 1 Replies
- 382 Views
-
Last post by zingii
-
- 0 Replies
- 559 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 4 Replies
- 594 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 316 Views
-
Last post by SunFromNorth
-
- 3 Replies
- 660 Views
-
Last post by ModerateMuslim
-
- 37 Replies
- 2666 Views
-
Last post by Murax