
Talaado, 08 Maarso, 2011 (HOL) – Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso ayaa maanta oo ay soo qabanqaabisay hay’adda midowga dhallinyarada Soomaaliyeed ee UYS ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabadan oo ka dhacday Hotelka Saxafi ayaa waxaa kasoo qaybgalay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, haween ka socday qaybaha bulshada iyo marti sharaf kale oo haween-weynaha Soomaaliyeed. Iyadoo sidoo kale ay xafladda ka qaybgaleen kooxda fannaaniinta Iftin.
Xildhibaan C/qaadir C/llaahi Diiriye (Cadaawe) oo furay munaasabadda ayaa ku tilmaamay maalinta haweenka mid muhiimad gaar ah u leh haweenka adduunka iyo haweenka Soomaaliyeed, isagoo hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed, kuna ammaankay kaalinta ay kaga jiraan horumarinta bulshada.
Sidoo kale Abuukar Ganey oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii ka hadashay munaasabadda ayaa soo dhoweeyay maalinta haweenka oo uu ku tilmaamay maalin farxad u ah haweenka Soomaaliyed iyo kuwa caalamka.

"1400-sano ka hor ayaa xuquuqda haweenka la dajiyay, taariikhda oo ah mid soo-jireen ah mana ah mid inta lagu soo koobi karo, waxaan u mahadcelinayaa hay'adda UYS oo noqotay hay'adda isu xilqaantay horumarinta bulshada," ayuu yiri Abuukar Ganey oo intaa ku daray In hay'adda laga doonayo inay kordhiso wacyi-gelineyso bulshada.
Waxaa kaloo goobta ka hadashay Raxmo Daahir Maxamed oo ka mid ah guddiga haweenka ee UYS, iyadoo caddeysay in maanta ay tahay maalin ciid u ah haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa calaamka, waxaana uu tilmaamay in labo munaasabadood ay isku soo beegantay, tan koowaad oo ah boqol-sano guurada iyo maalintan oo kale oo ay caddeysay inay boqol jirsatay.
Sidoo kale Faadumo Aadan Cilmi oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee dalka New Zealand ayaa iyana sheegtay in maanta ay ku faraxsan tahay inay waddan fog iyadoo ka timid ay ka qayb-gasho munaasabadda maalinta haweenka, waxaana ay iftiimisay inay jiraan dhibaatooyin heysta haweenka iyo caruurta, iyadoo intaas ku dartay inay ku barakaceen haweenka Muqdisho iyo dalka oo dhan, waxayna jaaliyada dibadda ugu baaqday inay kaalmeeyaan haweenka.
Xaawo Cali Maxamed (Xaawo Kiin) oo ka mid ah haweenkii kulanka ka qaybgalay ayaa xustay in dareenka maanta oo kale ay munaasabaddan xambaarsan tahay ay tahay mid haweenka u gaar ah, iyadoo xustay inay haboon tahay in dib loogu milicsado dhibaatooyinkii sannadkii tagay soo maray haweenka iyo wixii u hagaagay sannadahaas.

Xildhibaanad Raabico Sheekh Ibraahim oo ka mid aheyd xildhibaanadii munaasabadan ka hadlay ayaa iyaduna sheegtay in dalka Soomaaliya uu la kulmay col iyo abaar, taasoo ay tahay kuwa laga duceysto, waxaana ay carrabowday in haweenka looga baahan yahay inay qaataan kaalintooda dib u badbadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo siminnaarka soo xirtay xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo sheegtay in maanta oo kale ay tahay maalin qiimo weyn u ah haween-weynaha Soomaaliyeed, waxanay ammaantay hay'adda UYS kaalinta lixaadka leh ee ay bulshada qaybaheeda kala duwan ka geysato.
Xildhibaanad Xaawo ayaa sidoo kale iftiimisay in haweenka looga baahan yahay inay qaataan kaalintooda badbaadinta dalka, iyadoo sheegtayi n dowladdu ay diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato horumarinta haweenka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, munaasabadan ayaa ka qayb-galayaasha oo ahaa haween ay kaga doodeen dhowr su’aalood oo ku saabsan xaaladaha haweenka Soomaaliyeed, iyadoo su'aalaha oo ahaayeen kuwo xamaasad leh ay ka jawaabayeen ka qeyb-galayaasha.
Hay'adda UYS ayaa wada howlo ballaaran oo dhinaca bulshada, waxaana had iyo jeer ay bulshada qaybaheeda u qabataa siminaaro iyo wacyi-gelin ku aaddan sida dalka looga samata bixi karo dhibaatada gaamurtay ee dalka muddo labaatan sano ay ka jirto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya