Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka dagmada Luuq ee gobolka Gedo, ayaa saakay yeeshay kulan looga arrinsanaayo xaaladda degmadaasi.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii degmada Luuq loogu sameyn lahaa maamul ay leedahay dowladda KMG ah ee Soomaaliya, sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyada bulshada, sida nabadgelyada, caafimaadka iyo in isbeddel lagu sameeyo dagmadaasi.
Maxamed Cabdi Kaliil oo ka mid ah mas’uuliyiinta dowlada KMG, ayaa sheegay in ay iyaga iyo odayaashu isku afgarteen in maamul loo sameeyo dagmada Luuq.
Nabadoon Cabdiqani Nuur Cali oo ka mid ah odayaasha ka qeyb galay kulanka, ayaa soo dhoweeyay arrintaasi, isagoo sheegay inay isku afgarteen dowladda in maamul loo wada dhan yahay loo sameeyo degmada Luuq.
Degmada Luuq ayaa waxaa horay ugu sugnaa maleeshiyada Al Shabaab, kuwaasoo halkaasi isaga baxay, kaddib markii ay ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna ay la wareegeen degmaga Beled Xaawo ee gobolka Gedo.
Mas’uuliyiinta dowladda oo la kulmay odayaasha Luuq
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 12 Replies
- 892 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 440 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 0 Replies
- 235 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 401 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 17 Replies
- 876 Views
-
Last post by qardasay
-
- 14 Replies
- 554 Views
-
Last post by gedo_gurl
-
- 43 Replies
- 2156 Views
-
Last post by daiman
-
- 0 Replies
- 222 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 176 Views
-
Last post by muftaax