Bosaso:Qalab Lagu Dayactiraayo Dekadda oo Lasoo Bandhigay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Bosaso:Qalab Lagu Dayactiraayo Dekadda oo Lasoo Bandhigay

Post by damu »

Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland ayaa maanta soo bandhigtay qalab casri ah oo lagu dayactiraayo isla markaana lagu balaarinaayo Dekadda magaalada Bosaaso.

Qalabka lasoo bandhigay waxaa kamid ah Xasaarad (tug boat) kaas oo loogu talagalay in lagu qodo dekadda iyo qalab kale oo isugu jirey matooro waaweyn iyo kuwa yaryar,Shirkadda fulinaysa howshaan ayaa fadhigeedu tahay dalka Kenya,waxaana lagu magacaaba Kenya Marine Contract Project (KOMACO).

Sarkaal kasocday Shirkadaas oo lagu magacaabo Jesse Ngarachu ayaa sheegay in howshaan ay leedahay laba weji,iyadoo wejiga u horeyso ay socon doonto mudo ku dhow lix bilood.

Wasiirka Dekaddaha iyo gaadiidka Badda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage ayaa Saxaafada u sheegay in howshaan ay in mudo ah ku jireen,waxaana uu xusey in marki u dambeysay Dawladda Puntland iyo Shirkada KOMACO ee qaabilsan arimaha baddaha ay isku afgarteen in la bilaabo qodista dekadda isla markaana la balaariyo.

Howshaan ayaa waxaa gacan ka geysanaysa Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada aduunka ee WFP,waxaana Haweenay u hadashay oo lagu magacaabo Martha Artharini sheegtay in ay rajeynayaan howshaan dhamaystiraan uguna talagaleen balaarinta dedkadda Bosaaso.

Tani waxay noqonaysa markii u horeysay oo dayactir noocaan ah lagu sameeyo dekadda magaalada Bosaaso,iyadoo dhowaan la filaayo in qalab hor leh lasoo gaarsiiyo dekadda.

Horseed Media
Image

Image

Image

Image

Image

Image
:up: :up: :up:
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Bosaso:Qalab Lagu Dayactiraayo Dekadda oo Lasoo Bandhiga

Post by damu »

its about time this project should have started at same time as the
bosaso airport..the administration should put more focus on the port
in bosaso and lasqoray since they are the economic life line of the state :up:
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Bosaso:Qalab Lagu Dayactiraayo Dekadda oo Lasoo Bandhiga

Post by quark »

:up:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Bosaso:Qalab Lagu Dayactiraayo Dekadda oo Lasoo Bandhiga

Post by FBISOMALIA »

:up:
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Bosaso:Qalab Lagu Dayactiraayo Dekadda oo Lasoo Bandhiga

Post by Somalian_Boqor »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”