Wednesday, 09 March 2011 09:40 Tartiibsade Hits: 119 . .Nadwo diini ah oo lagu dhiirigalinayay dagaalka Jihaadka ah ee ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee AMISOM iyo kuwa Ethopianka ayaa xalay ka dhacday masjid ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Nadwadaasi ayaa waxaa ka qeyb galay culimaa’udiin caan ka ah magaalada Muqdisho oo ay kamidyihiin Sheekh Jaac C/salaan iyo Sheikh C/qaadir Muumin iyo ducaad kale oo si wayn looga yaqaano magaalada Muqdisho.
Kalimad ay nadwadaasi ka jeediyeen Sheikh Jaamac C/salaam iyo Sheikh C/qaadir Muumin, waxay ku sheegeen in shacabka guud ahaan looga baahanyahay in ay ka qeyb qaataan dagaalka looga soo horjeedo ciidamada shisheeye ee AMISOM ee ka socanaya magaalada Muqdisho.
Waxaana intaasi ay ku dareen in ciidamada soo duulay ee isgarabsanaya aysan wax micna ah soo kordhi karin hadii shacabka Muslimka ah oo kaashanaya Mujaahidiinta ay ka hortagaan .
Dadkii ka soo qeyb galay nadwadaasi oo gaarayay boqolaal ruux ayaa wacad ku maray in ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ciidamada shisheeye ee AMISOM iyo kuwa Ethopia ee dalka ku soo duulay.
Nadwooyinka diiniga ah iyo muxaadaraadka lagu boorinayo shacabka ayaa maalmahan si xowli ah uga socanayay degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho iyo Wilaayaadka dalka xilli dhiilada ay cirka isku sii shareereyso

These two deserves to be beheaded.
