Garoowe:(Allputnland)-Madaxweyne xigeenka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed islamrkaasna ah kusimaha madaxweynaha Jen,Cabdisamed Cali Shire ayaa maanta aqalka madaxtooyada Puntland ku qaabilay Wafti sare oo ka socda Barnaamijka cuntada dunida ee WFP kaas oo uu horkacayey wakiilka WFP Soomaaliya ahna Madaxa Hay’adaas ee Soomaaliya Mr, Scefamo Porretti Kuwaas oo kawada xaajooday Xaalada Abaareed ee uu imika dalku madaxa la galay.
Kulankan oo uu Madaxweynaha Puntland dhanka Dawlada kala qeybgalay Wasiiru-dawlaha Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee dawlada Puntland Dr.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi (Fiqi),iyadoo dhanka WFP ayj oogeen xubnaha ugu sarsareeya Soomaaliya & xafiisyada Puntland ee hay’adaas,waxaana kulankan lagu soo qaaday arimo badan oo quseeya mucaawino gaarsiinta dadka Macluushu hayso.
Madaxweyne xigeenka dawlada Puntland Jen.Cabdisamed Cali Shire oo intii uu shirku socday ka hadlay Arimo badan ayaa ku dheeraaday sida ay u koobantahay Howlaha Mucaawino gaarsiineed ee ay WFP kawado Puntland isagoo codsaday in dadka reer Puntland ee dhibaatooyinka Abaaraha & Dhaqaalo xumadu lasoo derista WFP loo baahanyahay inay wax u qabashadooda sii labajibaarto islamarkaasna ay shaqooyinka WFP Noqdaan kuwo kabadan sida ay imika yihiin.
Kusimaha madaxweynaha Dawlada Puntland intii uu kulanku socday wuxuu ka hadlay Mashruuc lagu balaarinayo islamarkaasna dib u habayn loogu sameynayo dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso kaas oo todobaadkan bilowday ayna maalgelinayso Barnaamijka Cuntada aduunka ee WFP,waxaana uu Madaxweynuhu codsaday in sida ugu macquulsan ugana dhakhsiyaha badan howshaas loo dhamaystiro isagoo sheegey in dekeda Boosaaso ay howlo badan u hayso bulsho weynta reer Puntland.
Wakiilka barnaamijka Cuntada dunida ee WFP u Soomaaliya islamarkaasna ah Madaxa hay’adaas ee Soomaaliya Mr, Scefamo Porretti oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegey in ay u yimaadeen dalka lasocoshada howlaha hay’adaas ayna xog uruurin ku samaynayaan heerka ay macluushu joogto,wuxuuna muujiyey sida ay uga xunyihiin dadka Macluushu hayso ee sii kordhaya maalinkasta,isagoo gabagabadiina sheegey inay soo labajibaari doonaan Shaqooyinka ay Puntland ka hayaan oo imika hoosaysa duruufo dalka kajira Awgeed.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
Madaxweyne Xigeenka Puntland oo Qaabilay Wafti WFP
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 563 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 334 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 2 Replies
- 478 Views
-
Last post by Bibaaye6828
-
- 8 Replies
- 572 Views
-
Last post by koohi
-
- 4 Replies
- 298 Views
-
Last post by Say_what1
-
- 0 Replies
- 342 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 4 Replies
- 381 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 654 Views
-
Last post by MRnutritionist
-
- 6 Replies
- 651 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 0 Replies
- 364 Views
-
Last post by FBISOMALIA