



Hawl wadeenno uu hormuud u yahay Guddoomiyaha Ururka SASDO ee Galgaduud iyo Guddoomiyaha Ururka SASDO ee Caabudwaaq iyo Xubno kale oo badan ayaa waxay socdaal indha indhayn iyo booqosho ah ku tageen Dagmada Dhabbad ee Gobalka Galguduud.
Ururka SASDO ayaa markii uu tagey Magaalada Dhabbad waxaa loogu soo dhaweeyey si heer sare ah, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka Dagmada iyo dhammaan Bulshada deegaanka.
Halkaan ka daawo masawiro ku tusaya Maamulka Ururka SASDO ee Caabudwaaq oo booqday Degmada Dhabad ee gobolka Galgaduud
Ururka oo booqasho gaaban halkaas ku tagey ayaa wuxuu soo indha indhaayey Baahida Wax-barasho iyo midda bulshadeed ee deegaanka ka jirta.
Ururka ayaa waxay la kulmeen dhammaan Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada Dhabbad, waxayna kala hadleen dhibaatada deegaanka ka jirta; haddii ay ahaan lahayd dhanka wax barashada, dhanka Cafimaadka, dhanka Biyo-gelinta iyo arrimo badan oo kale.
Kulan ballaaran oo ay ku qabteen Hall Weyn oo ay ka soo qayb galeen Maamulka iyo Bulashada deegaanka ayaa waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka SASDO Ee Caabudwaaq Mr. C/rixmaan Timajilic wuxuuna wuxuuna halkaas ka jeediyey hadal qiimi leh isagoo tusiyey shacabka deegaanka sida ay ugu farax sanyihiin soo dhaweytii iyo marti gelintii ay u fidiyeen, wuxuuna sheegey in uu URURKA SASDO wax badan ka qaban doono hormarinta deegaanka ayna u soo magacaabayaan wakiil ururka SASDO uga wakiil noqda halkaas.
Wuxuu sidoo kale C/rixmaan sheegey in ay xoojin doonaan dhanka Wax barashda iyo caafimaadka, isagoo sheegey in ay Deegaanka ka furi doonaan iskuullo badan kuwa hadda jirana ay tayeydoonaan. Wuxuu sidoo kale sheegey in ay isbitaalka deegaanka ay hawl gelin doonaan sida ugu dhaqasaha badan haddii alle idmo.
Waxa isna halkaas ka hadlay Nabadoon Aadan Gebi oo mar ahaan jirey Duqa Magaalada Caabudwaaq iyo Dhabbadba, wuxuu sheegey Aadan Gebi in ay aad ugu faraxsan yihiin Booqashada ururka SASDO ee Dhabbad isagoo ugu baaqey ururka in ay aad uga shaqeeyaan hormarinta deegaannada Beesha Sade ee Galguduud, oo aad u dib dhacsan marka loo fiiriyo deegaannada kale.
Wuxuuna Naddoonku ka dhawaajiyey sida loogu baahan yahay urur fir fircoon oo dhallin yara ah oo wax qabad leh, isagoo sheegey in ay waddanka walba dhallintiisu hormariso.
Intaas ka dib wuxuu ururku soo booqday iskuullada iyo goobaha caafimaadka iyo matoorada biyaha deegaanka siiya iyo weliba malcamadaha Qur’aanka lagu barto.
Ururka SASDO ayaa sidoo kale Qorsheynaya in uu Safaro kale ku bixiyo Deegaannada Balanballe iyo Bangeelle iyo weliba Yamaarugley isagoo u kuur geli doona xaaladda bulshadeed ee deegaannadaas.